3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2013
Ururka Dhalinyarada SYL II oo xusay 70-Guuradii kasoo wareegtay Markii la Aasaasay Ururkii Dhallinyarada SYL (SAWIRRO)



Arbaco, May 16, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu maamusayay 15-ka  May oo ah maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo 70-sano guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ururka gobonimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho, munaasabadaas oo uu soo agaasimeen ururka dhallinyarada SYL II ayaa ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay.

Boqolaal dhallinyaro ah oo xusayay maalintan ayaa isugu soo baxay barxad bannaan oo ku taallaMuqdisho, iyagoo dhageystay khudbado isugu jiray guubaabo iyo talooyin, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen xubno isugu jira, xildhibaanno, abwaanno iyo qaar ka mid ah dad in badan kasoo shaqeeyay arrimaha dhallinyarada sida wasiirkii hore ee hub ka dhigista iyo dhaqan celinta  dhalinyarada, Cumar Cali Rooble.


Sidoo kale, waxaa xildhibaannadii kasoo qaybgalay munaasabaddaas ka mid ahayd xildhibaanad, Maryan Macallin oo halkaas kasoo jeedisay khudbad dheer oo isugu jirtay sugaan iyo gubaabo ay ku dhallinyarada ku guubaabinaysay, iyadoo salaan kaga siday guddiyada baarlamaanka iyo guddoomiyaha barlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

"Waxaa ii muuqata marxalad is-bedel ah taasoo ah inay dhallinyaradu ka gudbeen xiiseyntii qoriga oo ay haatan u bateen inay qalinka kor u qaataan, waana arrin wanaagsan oo aan soo dhaweynayno,” ayuu yiri wasiirkii hore ee dhaqan-celinta iyo hub ka dhigista dhalinyarada, isgoo sidoo kale u mahadceliyay ururka dhallinyarada SYL II  sida uu ugu heellan yahay dib u ururinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sheekh Xasan Sheekh Axmed Siyaar oo ka mid ah culumaa’uddiinka Soomaaliyeed oo isaaguna ka hadlay goobta ayaa ka hadlay doorka ay dhallinyaradu ku dhex leeyihiin bulshada iyo aragtida ay diinta Islaamku ka qabto.


Abwaano ay ka mid yihiin Maki Xaaji Banaadir Buurfule iyo Bare Sh C/laahi C/raxmaan (Bangaalidheesh) oo halkaasi kusoo bandhigay taariikhda 13kii Dhalinyarada SYL iyo halgankoodii iyagoo halkaa mariyay tixo suugaan ah oo ay ku dhiira galinayeen jiilka maanta in ay ku daydaan halgaankii iyo wadaniyad jaceylkii ururka SYL, waxaa sidoo kale halkaas ku soo bandhigay qaar ka mid ah dhallinyaradii halkaas isugu timid.

Boqlaal dhallinyaro ah ayaa isugu soo baxay barxada weyn ee xarunta ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL II, dhalintaa ayaa  waxaa ka muuqday wajiyadooda farxad; waxayna ku  libisnaayeen astaanta calankeenna halka qaar kale ay xirnaayeen dhar ay ku xardhanaayeen hal-ku-dhigyo ay ku mujinayeen dareenkooda ku aaddan 15-May oo ay ka mid ahaayeen “15 May waa maalin xusid mudan” iyo halku dhigyo kale oo fara badan.



Ma ahan markii ugu horreysay oo ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL II uu soo agaasimo munaasabado lagu xusayo maalmaha qiimaha weyn u leh Soomaaliya, sida maalinta dhallinyarada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/16/2013 12:08 PM EST
Qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa ka horyimid mooshinkii ay baarlamaanka keeneen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

5/16/2013 9:51 AM EST
Khamiis, May 16, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee ka jira dalka ayaa maanta kulan ay ku yeesheen hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho waxay kasoo saareen baaq ay ku sheegayaan in in golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo madax-banneeyo la xisaabtan xukuumadda.

5/16/2013 9:20 AM EST
Khamiis, May 16, 2013 (HOL) — Dowladda Somalia oo warsaxaafadeed soo saartay maanta ayaa ku tilmaantay maamulka looga dhawaaqay Kismaayo inuu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka, isla markaana ah ka horimaanaya dastuurka.

5/16/2013 8:44 AM EST
Khamiis, May 16, 2013 (HOL) — Shirkii golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ay maanta yeesheen ayaa lagu meel-mariyay qodobbo ay horay u soo gudbiyeen wasaaradaha cadaaladda iyo arrimaha gudaha, sida uu saxaafadda u sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

5/16/2013 8:01 AM EST
Khamiis, 16 May, 2013(HOL) :-Madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee dowladda koonfurta Kuuriya ay usoo dirsatay Soomaaliya Mr. Kim Chan Woo.

5/16/2013 6:40 AM EST
Khamiis, May, 16, 2013 (HOL) -- Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay laguna maamuusayay 15 May maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

5/16/2013 6:24 AM EST
Khamiis, May 16, 2013(HOL) :- Col Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa shaaciyay in uu yahay madaxweeynaha maamul goboleedka Jubbaland, xilli shalay magaalada Kismaayo lagu doortay gudoomiyihii ururka Raaskaambooni Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)