3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2013
Munaasabada 15 May maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed oo laga xusay magaalada Baladweyne

Khamiis, May, 16, 2013 (HOL) -- Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay laguna maamuusayay 15 May maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Ururka midowgga hormarinta dhalinyarrada gobollka Hiiraan oo loo soo gaabiyo [HIYDA] ayaa waxaa ka soo qeyb-gallay mas'uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobollka, saraakiisha ciidamada Jabuuti, odayaasha dhaqanka, waxgarad, aqooyhanno, bahda waxbarashada, ururada haweenka iyo marti-sharaf kale oo ka soctay qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha ururka midowgga hormarinta dhalinyarrada gobollka Hiiraan Max'ed C/llaahi Buraalle Raaxeeya oo ugu horeyn furay munaasabada ayaa uga mahad celiyay dhamaan mas'uuliyiin maamulka iyo marti-sharafta kale ka soo qeyb-gallkooda munaasabada lagu maamuusayay maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed ee 15 May.

Guddoomiyaha Ururka dhalinyarrada HIYDA ayaa ku soo bandhigay goobta waxqabadka ururka iyo mustaqbalka dhaw qorshayaasha u yaalla, isaga oo sheegay in ay taagan yihiin soo nooleynta doorka dhalinyarrada Soomaaliyeed oo sida uu sheegay ah awood wax badan badalli karta haddii laga faa'ideysto.''Ururka baaxada la eg oo aad arkeysaan waa mid ku aas aasmay aragtida dhalinyarro kooban oo isku-tagtay , maantana waad u jeedaan heerka uu gaaray, taas waxaa ay muujineysaa sida ay dhalinyarradu uga go'an tahay in ay qeyb ka qaataan isbadalka la doonayo in guud ahaan laga hergaliyo dalka Soomaaliya,'' ayuu yiri guddoomiyaha ururka midowgga hormarinta dhalinyarrada gobollka.

Waxaa uu mahad celin ballaaran u jeediyay ururka dhalinyarrada SYL oo sida uu sheegay bulshada tusay doorka ay qaadan karaa dhalinyarrada Soomaaliyeed, isaga oo intaa ku darray in looga baahan yahay dhalinta maanta in ay qaataan door la mid ah kaalitii ururkii SYL.

''SYL waxaa ku midoobay 13 dhalinyarro ah oo ay ka go'neyd in ay isbadal sameeyaan, iyadoo dalku dhaqaalle ahaan sidan ka liitay, isgaarsiintu sidan u hormarsaneyn, aqoon badanna aysan jirin, maxaad u maleyneysaan maanta oo intaa oo dhan aan isku heyso in aan badalli karno.. runtii waxaan leeyahay wax badan ayaan badalli karnaa,'' ayuu yiri Max'ed C/llaahi Buuraalle Raaxeey.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgg Africa AMISOM ee gobollka Hiiraan Col Cismaan Dubad oo ka hadllay munaasabada ayaa siweyn ugu hanbalyeeyay dhalinyarrada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dhalinyarrada ku dhaqan gobollka Hiiraan, isaga oo wax lagu farxo ku tilmaamay in markii ugu horeysay  isaga oo jooga magaalada Baladweyne munaasabad kala qeyb-gallo tiro dhalinyarro Soomaaliyeed ah.

''Waa la og-yahay waa xoog jira dhalinyarrada, dhibaatada maanta dalka ka dhacday iyaga ayaa loo adeegsaday, laakiin haddana dhinaca kale marka aad eegto gacan weyn ayeey ka geysan karaan nabada, waana fillayaa kuna rajo weynnahay in dhalinta Soomaaliyeed doorkooda qaadan doonaan,'' ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo qudbad dheer ka jeediyay munaasabada, ayaa sheegay in uga mahad celinayo ururka dhalinyarrada HIYDA munaasabada quruxda badan oo ay soo agaasimeen, isaga oo sheegay in markii ugu horeysay ay u tahay oo bulsho inta la eg uu fursad u yeesho in uu kula hadllo magaalada Baladweyne tan iyo markii xilka loo soo magacaabay.

''Runtii waan ku faraxsanahay in maanta aan fursad isku hellno bulsho inta la eg oo waliba dhalinyarro u badan, waxaana muuqta astaan nabadeed, madaama dhalinyarro tiradan la ego isku soo abaabuleen xuska maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed oo lagu xasuusto geesiyaashii halgamayashii SYL,'' ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Hiiraan.

Waxaa uu guddoomiyuhu kula dardaarmay dhalinyarrada in ay qeyb ka qaataan nabada iyo barnaamijyada hormarineed ee dalka socda, isaga oo farta ku fiiqay in nabad-galyadu tahay tan ugu horeysa oo la doonayo in dhalinyarradu wax badan ka qabato.

''Annaga marar badanna waan ku cel celinay amniga ayaa wax walba nooga muhiimsan, sidaa daraadeed dhalinyarrada annaga oo og awooda ay leeyihiin, annaga oo og isbadalka ay sameyn karaan, waxaan uga baaqeynaa in ay nagala shaqeeyaan nabad-galyada,'' ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxaa uu ugu baaqay qeybaha kale ee bulshada sida aqooyahannada, ururada haweenka, waxgaradka iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne in ay isku abaabulaan sida ururka dhalinyarrada HIYDA oo kale, kana qeyb-qaataan dib u dhiska iyo isbadlka la doonayo in dalka laga hergaliyo.

Munaasabada oo aheyd tii ugu ballaarneyd oo inta la xasuusto 15 May lagu maamuuso magaalada Baladweyne, ayaa waxaa sidoo kale ka hadllay mas'uuliyiin kala duwan oo ka mid ahaayeen ku-xigeenka maamulka gobollka, guddoomiyaha degmada iyo marti-sharaf kale oo lagu marti-qaaday ka soo qeyb-gallka munaasabada lagu maamuusayay maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed.

Inkastoo dhalinyarrad Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u dabaal-dagayaal sanad-guuradii 70 ee ka soo wareegtay aas-aaskii ururkai SYL 1943, ayaa haddana waxaa la soo darrsay dhalinta Soomaaliyeed dhibaatooyin kala duwan, iyadoo ay jiraan boqolaal dhalinyarro ah ku jira xabsiyo kala duwan oo calaam-ka ah, waxaana loogu baaqay dowladda federaalka in ay wax ka qabto arintaa iyada ah.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya.

 

 













Click here
5/16/2013 12:08 PM EST
Qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa ka horyimid mooshinkii ay baarlamaanka keeneen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

5/16/2013 9:51 AM EST
Khamiis, May 16, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee ka jira dalka ayaa maanta kulan ay ku yeesheen hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho waxay kasoo saareen baaq ay ku sheegayaan in in golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo madax-banneeyo la xisaabtan xukuumadda.

5/16/2013 9:24 AM EST
Arbaco, May 16, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu maamusayay 15-ka May oo ah maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo 70-sano guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ururka gobonimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho, munaasabadaas oo uu soo agaasimeen ururka dhallinyarada SYL II ayaa ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay.

5/16/2013 9:20 AM EST
Khamiis, May 16, 2013 (HOL) — Dowladda Somalia oo warsaxaafadeed soo saartay maanta ayaa ku tilmaantay maamulka looga dhawaaqay Kismaayo inuu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka, isla markaana ah ka horimaanaya dastuurka.

5/16/2013 8:44 AM EST
Khamiis, May 16, 2013 (HOL) — Shirkii golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ay maanta yeesheen ayaa lagu meel-mariyay qodobbo ay horay u soo gudbiyeen wasaaradaha cadaaladda iyo arrimaha gudaha, sida uu saxaafadda u sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

5/16/2013 8:01 AM EST
Khamiis, 16 May, 2013(HOL) :-Madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee dowladda koonfurta Kuuriya ay usoo dirsatay Soomaaliya Mr. Kim Chan Woo.

5/16/2013 6:24 AM EST
Khamiis, May 16, 2013(HOL) :- Col Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa shaaciyay in uu yahay madaxweeynaha maamul goboleedka Jubbaland, xilli shalay magaalada Kismaayo lagu doortay gudoomiyihii ururka Raaskaambooni Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)