4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2013
Col Barre Hiiraale oo Sheegay in uu Yahay Madaxweeynaha Maamul Goboleedka Jubbaland

Khamiis, May 16, 2013(HOL) :- Col Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa shaaciyay in uu yahay madaxweeynaha maamul goboleedka Jubbaland, xilli shalay magaalada Kismaayo lagu doortay gudoomiyihii ururka Raaskaambooni Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)

Col Barre Aadan Shire oo hore u ahaan jiray gudoomiyihii isbaheeysigii la magac baxay Dooxada Jubba islamarkaasina jagooyinka kasoo qabtay dowladihii KMG ahaa ee dalka Soo maray ayaa wareeysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda VOA ku sheegay in shirar maalmihii ugu danbeeyay Kismaayo ka socday loogu doortay in uu noqdo madaxweeynaha maamul goboleedka Jubbaland.

Masuulkan ayaa sheegay in uu taageero ka heeysto odoyaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Jubooyinka, wuxuuna intaa ku daray  in Sheekh Axmed Madoobe uusan u aqoonsanayn madaxweeyne isagoona intaa ku daray in Axmed Madooe ay doorteen dad isaga taageera.

Barre ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay in uu wadahadal la galo Sheekh Axmed Madoobe oo isna shalay lagu doortay gudaha magaalada Kismaayo, isagoona intaa ku daray in dhowr mar oo hore uu ugu baaqay wadahadal welina uu diyaar u yahay.

Dhanka kale waxaa magaalada Kismaayo ku sugan ergo ay dowladda Soomaaliya shalay u magacoowday arimaha Jubooyinka, waxaana ergadiisa oo shalay kasoo dagtay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo la dejiyay Hotel Cascaseey oo ku yaal bartamaha magaalada.

Jawiga magaalada Kismaayo ayaa maanta ah mid kacsan, waxaana siweyn loo hadal hayaa labada madaxweeyne ee looga dhawaaqay Kismaayo..

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa ah magaalo xeebeed islamarkaasina leh marsad caalami ah, waxaana sidoo kale magaaladani kasoo dega shixnado ganansi oo kala duwan kuwaasoo loo iibgeeyo inta badan gobollada dalka Soomaaliya iyo weliba qaar kamid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya, waxaana magaaladani marar badan kusoo noqnoqday dagaallo sokeeyo oo u dhexeeya beelaha wada dega Jubooyinka.

 

Max’ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.