4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2013
Dagaallo khasaare kala duwan geystay oo Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo
Arbaco, May 15, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray gobolka Gedo tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen.

Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidammo iyo saraakiil ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo kasoo ambabaxay degmada Balad-xaawo kuna socda degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay ayaa haddana wararka laga helayo gobolka Gedo waxay sheegayaan in dagaalku uu billowday shalay gellinkii dambe uuna socday illaa xalay fiidkii.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil oo saxaafaddu ay wax ka weydiisay dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo, isagoo sheegay in weli ay jirto xiisad wax tira-koob ahna uusan hayn.

Al-shabaab ayaan iyaduna ka hadlin dagaalka, waxaana wararka laga helayo deegaannadii lagu dagaalamay ay sheegayaan inay weli xiisad weyn ka jirto jidka isku xira degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaarey.

Dagaalkan ayaa qayb ka noqonaya dagaallada gobolka Gedo ku dhexmara xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo dhinac walba uu isku dayayo inuu la wareego gacan ku haynta gobolka oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya