4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2013
Siyaasiyiin kasoo jeeda Jubooyinka oo ku xayiran garoonka diyaaradaha Kismaayo

Arbaco, May 15, 2013(HOL) :- Masuuliyiin kasoo jeeda Jubooyinka oo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad ku xayiran garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyadoona masuuliyiintani uu hogaaminayo siyaasi lagu magacaabo Max’ed Amiin C/laahi oo kasoo jeeda Jubooyinka.

Wafdigan uu hogaaminayo siyaasigan ayaa laba maalin ka hor laga celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, kadib markii ciidamada Kenya ee garoonka ku sugan ay amar ku siiyeen diyaaradii wafdiga siday in ay dib ugu laabato halkii ay ka timid, waxayna arintaasi ka danbeeysay ka dib markii masuuliyiinta maamulka Kismaayo ay ciidamada Kenya  ku wargeliyeen in wafdigani uusan kasoo dagi karin garoonka.

Maalinimadii shalay ayay mar kale diyaarad ka timid magaalada Muqdisho keentay wafdigii uu hogaaminayay siyaasigaasi, wallow imaatinkooda ay siweyn uga soo horjeedaan madaxda maamulka KMG ee Kismaayo oo iyagu ku eedeeynaya in Max’ed Amiin iyo xubnaha la socdo ay siweyn uga soo horjeedaan shirka ka socdo Kismaayo, waloway xubnahaasi imika ku suganyihiin garoonka Kismaayo iyadoona ay ammaankooda sugayaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Max’ed Amiin ay dowladda Soomaaliya usoo magacoowday gudoomiyaha Maamul KMG ah oo ka shaqeyn doona Jubooyinka, wallow aysan jirin ilaa imika cid warbaahinta u xaqiijisay arintaasi.

Dhinaca kale Waxaa maalintii labaad hawada ka maqan isgaarsiintii magaalada Kismaayo, iyadoona aan ilaa imika la garanayn sababaha rasmiga ah ee hawada looga saaray isgaarsiinta, haseyeeshee waxaa magaalada Kismaayo ka soconeeysa qabanqaabadii ugu danbeeysay oo loogu jiro dhismaha maamul goboleedka Jubbaland, waxaana imika soconayo dadaallo la doonayo in xarunta uu shirk aka soconayo loogu  xareeeyo ergada si ay usoo doortaan madaxweeynaha maamulka goboleedka Jubooyinka.

………..
Max’ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.