3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2013
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Guddoomiyaha UCID ku eedeeyey kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya


Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Timo cad) ayaa gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey inuu kulan hoose oo aanu awood u lahayn magaaladda Birmingham kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan  Sh. Maxamuud.

Wasiirka ayaa shacabka Somaliland usoo jeediyey inay isha ku hayaan siyaasiyinta ficilada wax u dhimaya qaranamdooda ku kacaya, sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu maanta shirjaraa’id oo uu airntaasi kaga hadlayo ku qabtay magaaldda Hargeysa.

“Sidaad la socotaan website-yadda waxaad ku arkayseen Faysal Cali Waraabe oo la cashaynayay madaxwaynaha Soomaaliya iyo Wasiirkiisa khaarajiga runtii arrintaasi layaab ayay Somaliland ku noqotay shacab iyo xukuumadba, mahadho ayay noqotay oo dadkii jahwareer ayay ku riday , waayo Faysal ma aha nin caadi ah waa gudoomiyihii xisbiga mucaaridka ee UCID waxa uu ka mid ahaa ergadii madaxaweynaha u raacday Turkiga ee wadahadalada aanu Soomaaliya la galaynay ayuu ka mid ahaa.”ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey kulankii dhexmaray Gudoomiyaha xisbiga UCID iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku daray:  “Markaa dadkii isagoo taa og waxa wax lala yaabay noqotay inuu hadana halkan ka fudkudiyay, go’aan baa la soo wada qaatay shirkii London waynu diidnay inaynu ka qayb galno sababtuna waxay ahayd madaxaweynaha Soomaaliya ayaa shir gudoominayay go’aan baa la soo qaatay, Faysal go’ankaa wuu la soo qaatay ka mid buu ahaa cida go’aankaa qaadatey”

“Anigu waxaan aaminsan nahay in Faysal xagaa (Soomaaliya) uu u socdo. Dadkuna way ogaadeen, dadka isagaa qaranimada dalka leh anagu (xukuumada) adeegayaal ayaanu u nahay in shacabku ka hadlo oo uu soo jeedo oo shacabku ka u xiiraya iyo ka hool-hoolaya kala ogaado waa lagama maarmaan”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in Faysal Cali Waraabe ilaa madaxweynihii hore Sheekh Shariif uu xidhiidh la samayn jiray, isla markaana illaa maxkamadihii ay wada xidhiidhi jireen “ markaa Faysal waligii daahir kamuu ahayn Soomaaliya oo illaa maxaakiimtii ayuu xidhiidh la lahaa taas ayaaba marag ma doon ah runtii,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Si kastaba ha ahaatee, Gudoomiyaha Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya isku arkeen hoteel ku yaala magaaladda Birmingham, haseyeeshee aanay wax badan wadda joogin ee ay salaan uun iskugu yimaadeen, isla markaana aanay wax xumaan ahi labadda dhinac dhex oolin ee la wada hadli karo.

Haseyeeshee wasiirka warfaafinta ayaa u muuqday inuu eedeentan uga aargoosanayo dhaliilaha badan ee uu gudoomiyaha xisbiga ucid usoo jeediyo xukuumadda, isla markaana shacabka u tusayo inuu khalad ka galay shacabka Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
5/13/2013 10:37 AM EST
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa, ayaa maanta bilowday dib u casriyeynta waddadda hal bawlaha ah ee badhtamaha magaaladda Hargeysa.

5/13/2013 10:36 AM EST
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan todobaadydii aynu soo dhaafnay waxaa ka soconayay howlgal adag oo ay si wada jir ah u fullinayeen ciidamo si gaar ah arintaa loogu tababaray iyo kuwa midowgga Africa AMISOM oo guri-guri u baarayay inta badan xaafaddaha magaalada.

5/13/2013 10:34 AM EST
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku geeriyooday, midkana wuu ku dhaawacmay mudaharaad rabshado wata oo maanta ka dhacay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

5/13/2013 7:12 AM EST
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka hawada Soomaaliya iyo qaadista canshuuraha diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya, kaddib 22-sano oo xafiiskan ay maamulaysay Qaramada Midoobay.

5/13/2013 6:52 AM EST
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan ay soo qabanqaabisay Hay'adda CCD, kulankaas oo ku saabsanaa sidii dhallinyarada gobolka Banaadir ay uga qayb-qaadan lahaayeen ammaanka iyo xasilinta dalka.

5/13/2013 6:40 AM EST
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa xadhiga ka jaray dhisme laami ah oo saddex killomitar ah oo u dhexeeya Dilla iyo Boorame, waxana dhagax dhigay shan killo mitir oo ka hadhsan dhamaystirka jidkaasi oo xukuumaddu maalgalisay.

5/13/2013 6:36 AM EST
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayay amamanka Gobalka Bay, kaasoo ay ka qaybgaleen dhammaan nabaddoonada beelaha Digil iyo Mirifle iyo maamulka deegmada Baydhabo.