4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2013
Shirkad Ajnabi ah oo Qandaraas ku Qaadatay Dib Hagaajin balaaran oo lagu sameynayo jidka marka Bartamaha Hargeysa


Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa, ayaa maanta bilowday dib u casriyeynta waddadda hal bawlaha ah ee badhtamaha magaaladda Hargeysa.

Jidkan dib loo cusboonaysiinayo oo ah wadada hormarta madaxtooyadda Somaliland, ayaa waxa qandaraas ku qaatay shirkad laga leeyahay shiinaha oo wadatay qalab iyo gaadiid cusub oo aan hore loogu isticmaali jirin samaynta wadooyinka magaalooyinka Somaliland.

Xildhibaanadda golaha deegaanka Hargeysa iyo Maayirka magaaladda oo ka hadlay dib u hagaajinta wadadan oo ah jid muhiim ah, ayaa sheegay inay doonayaan inay ka gaadhsiiyaan inta ka horaysa 18 May, isla markaana ay wadadani kor u qaadayso bilicda magaaladda.

Maayarka Hargeysa, C/raxmaan Maxamuud Caydiid ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay shirkadan ajanabiga ah ay ka caawiso inay wadadan dib loo casriyeeyo, isla markaana qaab cusub oo ka hawl yar sidii hore u farsamayso samaynteedda, isagoo sheegay in muddo gaaban ay laba killo mitir ku dhamaystiri doonaan inta kalana bacda 18 May la dhisi doono.

Shirkadan ayaa ah shirkaddii qandaraaska ku qaadatay dib u hagaajinta madaarka magaaladda Hargeysa, waxaanay sheegeen in shirkadan muddo dhawr cisho ah soo kiraysteen si ay wadadan u qurxiyaan, isla markaana bilicdda magalaadda loo qurxin lahaa si maalinta 18 May loogu dabaaldego wadooyin la qurxiyey.

Sidoo kale, xoghayaha dawlada hoose iyo xildhibaanada golaha deegaanka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay balantii ay shacabka u qaadeen ilaahay ku guuleeyey, isla markaana ay ku mashquulsan yihin sidii wadooyinka loo hagaajin lahaa.

Maayarka iyo ku xigeenka ayaa sheegay inay xalay labadii habeenimo ay bilaabeen shaqadan, isla markaana dadkoo hurda ay shaqaynayeen si looga gaadhsiiyo mudada gaaban ee ka hadhsan 18 May oo ah maalintii madax banaanidda Somaliland oo  si weyn looga xusayo guud ahaan Somaliland.

Si kastaba ha ahaateem, dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa maanta u daawasho yimid qalabka iyo gaadiidka lagu hagaajinayo wadadan, maadaama oo qaabkan ay shirkadu u samaynaysaa ay tahay qaab ku cusub Somaliland .




Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland