4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2013
Xukuumadda Somalia oo Markii ugu Horreysay Muddo 20-sano Maanta lagu Wareejiyay Maamulka Hawada Somalia


Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka hawada Soomaaliya iyo qaadista canshuuraha diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya, kaddib 22-sano oo xafiiskan ay maamulaysay Qaramada Midoobay.

Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka Soomaaliya, Cabduulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa warbaahinta ugu sheegay gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho inuu socdo kulankii ay Soomaaliya kula wareegaysay howshan.

“Maamulka hawada Soomaalida iyo canshuuraha diyaaradaha ku safara hawada Soomaaliya waxaa muddo 20-sano ka hor lagu wareejiyay hay’ad ay maamusho Qaramada Midoobay oo saldhiggeedu ahaa Nairobi, maatana waxaa lagu soo wareejiyay dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka oo sheegay inuu socdo shir looga hadlayo arrintaas.

Ciilmooge wuxuu hadalkiisa ku daray in tani ay qayb ka tahay dadaallada ay ku doonayso xukuumadda Soomaaliya inay dib u soo celiso hantida Somalia  iyo xiriirrada kala dhexeeya caalamka. Isagoo sheegay in heshiisyada la kala saxiixday ay qeexayaan in muddo toddoba bilood ah ay howshan billaabato, sidoo kalena la soo wareejiyo qalabkii howsha lagu wadi lahaa.

Inkastoo weli uu shirku socdo ayuu wasiirku sheegay in tallaabadan ay tahay mid ay hirgelinteeda muddo dheer ku howlanayd  wasaaraddiisa, maatanta ay noqotay markii ugu horreysay oo Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegto howshan.

Dowladda Mareykanka ayaa sannadkan horraantiisa aqoonsatay dowladda Soomaaliya oo ah dowladdii ugu horreysay oo Soomaaliya ay yeelato muddo 22-sano ah kaddib, waxaana dowladdu ay ku guuleysatay inay xoojiso xiriirka ay Soomaaliya ay caalamku leeyihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya