4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2013
Taliyaha Cusub ee Booliska Somalia oo Ballan-qaaday in uu sugayo Amniga Caasimada iyo Gobollada Dalka ( SAWIRRO)

Taliyaha-Cusub-ee-Booliska-Saacid-Jeneral-Saacid.jpg
Taliyaha cusub ee ciidamada booliska Soomaaliya C/xakiim Daahir Siciid (General Saacid)


Axad, May 12, 2013 (HOL) - Maalin kaddib markii uu xilka la wareegay taliyaha cusub ee booliiska Soonaaliya, Jen. C/karii Daahir Siciid (Saacid) ayuu ballanqaaday inuu adkayn doono amniga dalka, gaar ahaa caasimadda iyo gobollada kale ee ay dowladdu gacanta ku hayso.

General, C/xakiim Daahir Siciid oo ku magac dheer (General Saacid) oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in ahmiyadda koowaad ay noqon doonto dhisitaanka ciidan adag oo laga dhiso dhanka tababarka iyo anshaxa ciidanka, kuwaasoo khibrad u yeesha inay si xirfadaysan u sugaan amniga dalka.

Waxaa uu ku tilmaamay in ciidanka booliska uu yahay mid loo igmaday sugitaanka ammaanka gudaha ee dalka , si taa loo helana uu dajiyay mashruuc dhammaystiran oo lagu horumarinayo ciidamada booliska ee Soomaaliya.

Taliyaha-Cusub-ee-Booliska-Saacid-Jeneral-Saacid-02.jpg

“Ciidanku boolisku waxay sugaan amniga shacabka, waxaanan ugu adeegi doonaa shacabka Soomaaliyeed si cadaalad iyo wadaniyadi ku jirto oo qof walba oo Soomaali ah uu aamino in ciidanka boolisku ay yihiin gacantii badbaadada” ayuu yiri General Saacid.

Magaalada Muqdisho ayaa maalintii shalay ahayd lagu qabtay xaflad uu xilka ku wareejiyay taliyihii hore ee ciidamada Soomaaliya Shariif Sheekhunaa Maye, uuna kula wareegay taliyaha cusub, taasoo ay joogeen qaar kamid hogaamiyayaasha dalka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo kulankii shalay ka qaybgalay ayaa ku tilmaamay isbadalka hogaanka ciidanka inuu qayb ka yahay isbadal guud oo dalka laga hirgalinayo, kaasoo ujeedkiisu yahay in dib loo soo nooleeyo adkaynta hay’adahii qaranka.

Waxaana uu kula dardaarmay hogaanka cusub ee ciidamada booliska inay qaadaan tallaabooyin lagu horumarinayo adeegyada ay shacabka u qabtaan ciidanka boolisku.

Kadibna taliyaha cusub ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada booliska, si looga tashado hirgalinta qorshayaasha ay dajiyeen hoogaanka cusub ee ciidanka booliska.

General Saacid, Taliyaha cusub ee ciidamada Soomaaliya ayaa horay u ahaa ku xigeenka taliyaha ciidanka booliska, waxaana uu kamid ahaa saraakiishii ciidanka ee kasoo shaqeeyay dawladii kacaanka Soomaaliya oo uu hogaaminjiray AUN, Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Taliyaha-Cusub-ee-Booliska-Saacid-04.jpg
Taliyaha-Cusub-ee-Booliska-Saacid-10.jpg
Taliyaha-Cusub-ee-Booliska-Saacid-12.jpg

Axmed  C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya