4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2013
Dood cilmiyeed looga hadlayay saamaynta aaladaha cusub ee xiriirka bulshada oo Nairobi ka dhacday (SAWIRRO)
Dood-wadaag- Nairobi By SYAO (5).jpg


Jimco, May 10, 2013(HOL) - Dood-wadaagan oo looga hadlayay aaladaha ay ku wada xiriiraan bulshada sida Facebook, Paltalk, Twitter, myspace, MSN iyo wixii lamid ah ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Waxaa soo qaban qaabiyay dood wadaagan ururka u dooda xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYAO, iyadoo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin, xildhibaano, siyaasiyiin, khuburo ku taqasusay aaladaha xiriirka bulshada (Social Media), dhalinyaro iyo haween.

Waxaana kamid ahaa marti sharafkii dood wadaaga ka qeyb galayay Dr. C/raxman Macalin C/lahi Baadiyow, aas aasihii Jaamacada Muqdisho, Eng. Axmed Macalin Fiqi, agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugida Qaranka, Gudoomiyaha ururka SYAO Mohamed Ibrahim Cali (Mohamed Cajiib), Tervel okoko barre jaamacadeed ahna lataliyaha saxafiyiinta Africa, Cali Muse Cabdi oo ka tirsan wakaalada wararka ee (AFP), Ambasador Maxamed Xusen Owliyo, Safiirka Senegal ee dowlada Soomaaliya, Maxamuud Cali Ugaas C/lle, C/qaadir Dhaqane, Sayid Cali Mareeyihii hore ee Dekada Muqdisho, Shukri Afrax oo ah Saxafiyad, Siyaasiga C/nur Darmaan, Xildhibaan Salaad Cali Jeele, Qunsulka safarada Somaliya ee kenya Siyaad Maxamud Shire, Gudoomiyaha Kooxda Waayaha Cusub iyo Marti sharaf kale oo ka kala socday qeybaha ee bulshada.

Dood-wadaag- Nairobi By SYAO (7).jpg

Waxaa goobta lagu soo bandhigay faa’iidooyinka iyo khasaaraha ay leeyihiin aaladaha ay bulshada ku wada xiriiraan, waxaana la isla gartay in siyaabo badan oo xun loo adeegsado.

Dr Baadiyow ayaa waxa uu sheegay in siyaabo kala duwan loo isticmaalo adeegyadan, qaar ayaa u adeegsada siyaabo dadka lagu marin haabinaayo, dhinacyo badanna looga faa’iideysto.

Waxaa sidoo kale shaashadweyn lagu soo bandhigay tusaalayaal badan oo ku saleysnaa isticmaalka qaldan iyo adeegyadan iyo faa’iidoyinkooda.

Tusaale ahaan ayaa waxaa loo soo qaatay kooxaha Islaamiyiinta ee isticmaala aaladaha xiriirka bulshada (Social Media) kuna marin habaabiya qaar ka mid ah bulshada gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool wadamada caalamka, sida wadamada Yurub, America iyo Canada.

Dhalinyaradaan laga soo marin habaabiyo caalamka ayaa ku soo laabta dalka Somaliya iyagoo qaarkood ay ka qaybqaataan falal is qarxin ah, sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay film documentary ah oo ka hadlaya dhalinyaro lagu qalday aaladaha la iskula xiriiro.

Eng. Axmed Macali Fiqi oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in aaladahan ay dalal badan ay kacdoono ka abuureen siyaabo fiican iyo siyaabo qaldana loo adeegsaday.

Cali Muuse Cabdi oo su’aalo goobta lagu soo bandhigay mid kamid ah oo quseysay saxaafada sharaxaad ka bixinayay ayaa kula taliyay warbaahinta soomaalida in ay ka fakaraan wararka lasoo dhigo aaladaha lagu xiriiro ayna hubiyaan.

Dhamaan martidii goobta ka hadashay ayaa ku booriyay dadka Soomaaliyeed iney u adeegsadaan qaabka wanaagsan oo dalka lagu horumarin karo, fikirada qaldana laga fogaado.

Dood-wadaag- Nairobi By SYAO (3).jpg
Dood-wadaag- Nairobi By SYAO (11).jpg
Dood-wadaag- Nairobi By SYAO (10).jpg
Dood-wadaag- Nairobi By SYAO (13).jpg
Dood-wadaag- Nairobi By SYAO (3).jpg
Dood-wadaag- Nairobi By SYAO (15).jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya