4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2013
Marwada Madaxweynaha Soomaaliya oo Xaflad Ballaaran oo Soo Dhaweyn ah loogu Sameeyay London (SAWIRRO)


Jimco, May 10, 2013(HOL)— Munaasabadan oo ay soo qabanqaayeen haweenka soomaliyeed ee UK ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Marwo Sahra Cumar Xasan oo ah Marwada Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo munaasabaddana ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Dumarka soomaliyed ee ku nool magaalada London iyo nawaaxigeeda.

 

Marwo Sahra Cumar oo goobta kahadashay ayaa waxa ay dumarka UK ugu baaqday inay dadaalkooda sii labuulaabaan isla markaana ay ka qeybqaataan horumarka dalkooda, bacdamaa ay horayba uga soo qeybqaateen badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Waxay xustay Marwada madaxweynaha in dumarka Soomaaliyeed ay noqdeen kuwii qoysaska Soomaaliyeed badbaadiyay markii wax kasta burbureen raggiina ay shaqo la’aan noqdeen, qaarkoodna ay wax ku noqdeen dagaallada.

 


“Sida aad la socotaan dumarka Soomaaliyeed muhiim u yahay in ay ka qeybqaataan soo celinta dowladnimadii Soomaaliya iyo weliba dib u dhiska dalka, sidaas darteedna waxaa laga idinka doonayaa in ay kaalinkiina muujisaan, aadna u diyaargarowdaan howsha baaxadda leh ee na hortaalla”ayay tiri Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Sahra Cumar Xasan.

 

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka hadlay qaar ka mid ah dumarkii munaasabadda ka soo qeybgalay, kuwaasi oo marwada madaxweynaha u soo jeediyay hadallo isugu jiray soo dhaweyn, ammaan iyadoo qaarkoodna ay u gudbiyeen talooyin ku saabsan sida ay u arkaan in dalka loo samatabixin karo.

 

Sidoo kale waxaa munaasabadan kasooq eybgalay Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Uk, kuwaasi oo uu ka dhex muuqday fannaaniinta C/risaaq Gaadaco, Faadumiina iyo kuwo kale.








 

Ibrahim Omar Baafo, Hiiraan Online

[email protected]

London, UK