4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo caawa kulan la leh Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Imaaraadka Carabta (SAWIRRO)


Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaamninayay ayaa caawa kulan la qaadanaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka isu-tagga Imaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa wuxuu warbixin ka siin doonaa jaaliyadda xaaladda uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya iyo horumarka la gaaray dowladda. Sidoo kale madaxweyne Xasan oo howl-shaqo u jooga dalka Imaraadka Carabta ayaa wuxuu warbixin ka siin doonaa wixii uga qabsoomay safarkiisa.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa jaaliyadda u sheegi doono shaqooyinka ay xaqa ugu leeyihiin inay dowladda u qabato iyo inuu kala hadlay dowladda Imaraadka Carabta in la dhowro shacabka Soomaaliyeed xaquuqdooda.

Kulankan kaddib ayuu madaxweynaha wuxuu kulammo la qaadan doonaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Imaraadka Carabta, isagoo ku tir-tirsiin doona inay maalgashi ku sameystaan dalkooda hooyo.

Madaxweynaha ayaa horay u yiri: “Waxaan u dhaartay inaan difaaco dalka, dadka iyo diinta.” Waxaana uu xoogga saarayaa sidii dadka Soomaaliyeed dib ay ugu soo noqon lahayeen dalkooda, sidoo kalena ay maalmooda iyo fikrikooda u gelin lahaayeen.

Socdaalka madaxweynaha uu ku jiro dalka Imaaraadka ka hor ayuu wuxuu soo maray dalka Qatar oo uu kaga soo qaybgalay shirkii madaxda Carabta, halkaasoo uu ka dalbaday in Soomaaliya laga caawiyo dib u dhiska iyo soo celinta ammaanka.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya