4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2013
Maxkamadda Hargeysa oo Xukuntay Wadaad Dhaliilo u soo Jeediyay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland

Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa maanta xukun iyo ganaax lacageed ku riday Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo dhaliilo usoo jeediyey laba wasiir oo xukuumadda Somaliland ka tirsan.

Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa Garsoore Cismaan Suldaan Ibraahim Daahir ayaa sheegay in wadaadka lagu helay dambigii ay ku soo oogtay xeer ilaalinta, kaas oo lagu xukumay xadhig hal sanno ah iyo hal milyan oo lacag ah oo ganaax ah.

“Maxkamaddu waxay ku xukuntay danbiilaha hal sano oo xadhig ciqaabeed ah iyo hal milyan oo ganaax ah, kaasoo lagu xukumay qoddobka 287, 215, 231, XAG.”ayuu yidhi Garsooraha maxkamadda gobolka Hargeysa, waxaanu intaas ku daray “Xadhigan waxa looga bilaabayaa maalintii xorriyadda laga qaaday oo ahayd 4/3/2013 xukunkan waxa lagu dhawaaqay maanta oo ay taariikhdu tahay 31/3/2013, sidaa daraadeed taliyaha xabsiga dhexe ee Hargeysa, waxa lagu amrayaa inuu xabsiga ku hayo inta xadhig ciqaabeedkiisu ka dhamaanayo ganaaxana ka bixinayo.”

Garsooraha ayaa sheegay in uu wadaadku u xidhan yahay qaranka, balse aanay shakhsi toona u xidhnayn,haseyeeshee, Sheikh Maxamuud Geelle ayaa bishan horaanteedda dhaliilo usoo jeediyey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur iyo Wasiirka Maaliyadda Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu ku eedeeyey inay ururo diimeed ku jiraan, isla markaana  wadanka dhibaatooyin ku hayaan.

Sheekh Maxamuud Geeddi ayaa ah wadaad cad-cad oo aan ka gaban inuu dhaliilo xukuumaddihii Somaliland soo maray, isla markana aad u dhaliila wadamada reer galbeedka iyo Itoobiya, waxaana hore loo xidhay dhawr jeer, haseyeeshee marka uu muddo xidhnaato waa la iska sii deyn jiray ka dib markii maxkamaduhu wax dambi ah ku waayeen, waxaanu xukunkani noqonayaa kii ugu horeeyey ee la xukumo.

Si kastaba ha ahaatee, Sheikh Maxamuud Geelle oo wakhtiyadda ururada siyaadda la furay furtay xisbi la yidhaa xisbullah, ayaa xaafadaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa ku leh madarasado uu dadka waaweyn bilaash ku baro diinta, waxaanu  hada xabsiga ku jiraa muddo afar toddobaad ah.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland