4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2013
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay guulo ka gaartay Weerarro kala duwan oo ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay inay khasaare ugu geystay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM weerarro ay ku qaaday saldhigyo ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose oo ay ku jirto degmada Marko.

Wakiilka Al-Shabaab ee Gobolka Shabellada Hoose, Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa sheegay in dagaalladaas oo habeen hore iyo shalay ka dhacay deegaanka Shalanbood, Bariirre iyo duleedka Marka ay xoogagoodu ku bar-tilmaameedsadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen halkaas.

“Dagaalladii u dambeeyay ee ku qaadnay goobaha ay cadowgu kaga sugan yihiin gobolka Shabeellada Hoose waxaan ku gaarsiinnay khasaarooyin kala duwan, waxaana kaga dilnay illaa sideed askari oo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM, ”ayuu yiri Sheekh Abuu Cabdalla oo aan sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Sheekh Abuu Cabdalla inay jiraan ciidammo kale oo dhaawacyo u geysteen, isagoo xusay inay saldhigyadaas qaarkood ka saareen ciidamadii ku sugnaa ayna iyagu muddo kooban gacanta ku hayeen.

Abuu Cabdalla ayaa soo hadal-qaaday dagaalki dhawaan ka dhacay Marka, isagoo sheegay inay filayeen inay Marko iyo deegaanno kale oo dalka ka mid ah ay ka dhacayaan; wuxuuna shacabka ugu baaqay inay nabadgalyo u soo raadsadaan goobaha ay Al-shabaab ka taliso.

“Dhibaatadii ku dhacday shacabka Marko waan ka xunnahay, waana kuwo la filayay inay dagaalladaas oo kale dhacaan,” ayuu Abuu Cabdalla si kooban u yiri, isagaoo sheegay in weerarrada ay sii wadayaan inta ay dalka oo dhan ka saarayaan ciidamada AMISOM.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku saabsan dagaalladan ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose, sidoo kalena ma jirto ilo madaxbanaan oo xaqiijinaya guulaha ay Al-shabaab ka sheegatay dagaalladaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya