4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2013
Wafdigii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisii oo gaaray Garbahaarey iyo Isgaarsiinta Hawada laga saaray

Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Wafdigii uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa gaaray degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, iyadoo isgaarsiinta degmadaas hawada laga saaray.

Intii aan isgaarsiinta la jarin ayaa goobjoogayaa iyo mas’uuliyiin waxay saxaafadda u sheegeen in ammaanka magaalada oo dhan aad loo adkeeyay lana dhigay waddooyinka muhiimka ah ciidammo fara badan oo amniga xaqiijiya.

Dadweyne badan ayaa kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha Garbahaarey, kuwaasoo ay ku jireen arday wax ka barta iskuullada ku yaalla degmadaas iyo dadweyne kale oo isugu jiray rag iyo dumar.

Booqashadan ayaa waxay qayb ka tahay booqashooyin ay uu ra’iisul wasaare Saacid sheegay inuu ku marayo dalka oo dhan si ay u ogaadaan xaaladaha ka jira iyo cabashooyinka ay dadku ka qabanaan maamullada.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yahay degmada Garbahaarey waxay kulammo kala duwan la qaadan doonaan shacabka iyo maamulka, iyagoo sidoo kalena u kuurgeli doona xaaladaha ka jira degmada iyo deegaannada ku hareeraysan.

Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya ciidamada Itoobiya iyo kuwo taageersan dowladda Soomaaliya, iyadoo dhowr jeer ay halkaas booqasho ku tageen wasiirro uu ku jiro wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Waa booqashadii saddexaad muddo toddobaad gudihiis ah oo uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku tago gobollada, iyadoo ra’iisul wasaaraha uusan weli safar dibadda ah u bixin tan iyo markii xilkan loo magacaabay b ishii November ee sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya