4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2013
Roobab Dabaylo xambaarsanaa oo Khasaare kala duwan geystay oo ka da’ay deegaanno ku yaalla Gobolka Sool (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Roobabkan oo billowday saqdii dhexe ee xalay oo socday illaa barqonimadii maanta ayaa waxay ka da’een deegaanno iyadoo degaannadaas ay kasoo baxayaan in roobabku ay geysteen khasaare isugu jirta naf iyo maal.

Deegaanka Farxas-kuulle oo ku dhowaad 10-km dhinaca waqooyi ka xiga beegan magaalada Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo danab ama onkod uu ku habsaday, kaasoo ahaa aabbihii qoyska isla markaan ay ku waxyeeloobeen 12 caruur ah iyo hooyadadood; iyadoo tiro ari ahna ay uu danabku ku laayay xeradoodii.

Dadweynaha degmada Laascaanood ayaa gurmad ballaaran u fidiyay dadkii uu shirku ku dhacay iyagoo ku guulaystay inay soo gaarsiiyaan rugaha caafimaad ee magaaladda, sidoo kalena aasay aabbihii qoyskaas iyo xoolihii ku naf waayay shilka.

Keyse Jaamac oo ka mid dadkii halkaas tagay ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee ka hor timid ay ahayd dhulka oo aad u jilcay oo gaadiidku uu mari waayay, dadkii oo goobta gaaray; iyagoo daallan iyo isgaarsiinta oo liidatay.

Keyse wuxuu intaasi ku daray inay goobta ugu tageen dad aad u dhibban oo daryaankii danabka iyo naxdintii dhimashada aabbihii qoyska ay u suuro-geli wayday inay helaan cid si cad wax ugu sharaxda, balse buu yiri waxaa noo muuqanayay maydkii xoolaha oo xero ku wadajira, kuwaasoo markii dambe aan aasnay si aanu caafimaadka dadka wax u yeelin.

Roobabka xalay ka da'ay deegaanno ka mid ah gobolka Sool khaasatan degmada Laascaanood oo ahaa kuwo dabaylo iyo danab isbarbar socda watay soona gaaray meelaha qaarkood barqadii maanta ayaa lasoo sheegayaa inay xoolo geel u badan ku laayay degaanno kala duwan oo ay ka mid yihiin: Dhuxun, Laasadaar, Ceegaag, Laf-weyn, Xaysimo iyo Dhanaqda dooxada nugaaleed.

Magaalada Laascaanood oo saqdii dhexe ee xalay waxaa ka da’ay roobab danab iyo dabaylo wadata ayaa waxay waxyeello gaarsiiyeen deegaanno ay dad dan-yar ahi deggenaayeen, waxaa kaloo la bakhtiiyay korontada ama laydhka magaalada oo illaa waaberigii maqnayd.

Roobabka noocan ah ayaa dhowrkii sanaba mar ka da'a gobolka Sool iyadoo sannadkii 2010-kii dad 6-ruux gaaraya iyo xoolo kun ka badan ay ku laayeen deegaanno kala duwan oo gobolka ka mid ah, halka sannadkii ku xigeyna ay qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta qaarkood khasaare soo gaarsiiyeen welina qaarkood sidii ay waqtigaa u daateen taawarradii laliska aan dib hawada loogu arag sida TELECOM.







Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool