4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2013
Wafdigii uu hogaaminayay Ra’isul wasaare Saacid ee ku sugnaa Kismaayo oo dib ugu Laabtay magaalada Muqdisho

Jimco, 29 Maarso, 2013(HOL) - Wafdigii uu hogaaminayay ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ee maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Max'uud Xaaji (Fiqi), Xildhibaanno iyo wariyeyaal ayaa saaka aroortii ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaana qeybtii labaad ee wafdiga ay baxeen maanta gelinkii danbe.

Ra’isul wasaaraha oo uu wehlinayay wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, Saraakiil iyo Lataliyeyaal ayaa waxa ay maanta ka ambabaxeen garoonka Kismaayo waxaana intii ay garoonka  ka imanayeen wehlinayay masuuliyiinta ugu sareeysa maamulka KMG ee Kismaayo oo ay kamid yihiin gudoomiyaha maamulka KMG Sheekh Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer)

Ra’isul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada wax faahfaahin ah kama bixin shirarkii ay magaalada Kismaayo kula qaateen masuuliyiinta maamulka Kismaayo, haseyeeshee waxaa garoonka Kismaayo warbaahinta kula hadlay Gudoomiye ku xigeenka maamulka KMG Kismaayo Yaasiin Raadeer kaasoo sheegay in safarkii ra’isul wasaaraha uu ugu dhamaaday si guul ah, isagoona ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo waxyaalihii la isku afgartay iyo weliba hadii uu jiro khilaaf.

Warar hoosaad ay shabakadda HOL ka heleyso shirarkii maalmihii ugu danbeeyay ay magaalada Kismaayo ay ku lahaayeen wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka Kismaayo ayaa tibaaxaya in uu dhicisoobay wadahadalkii u dhexeeyay dowladda iyo maamulka Kismaayo.

Qodobo dhowr ah ayaa la sheegay in ay ku heshiin waayeen gudiyada labada dhinac ee loo xulay in ay ka wada hadlaan masiirka gobollada Jubooyinka, sida ay HOL u xaqiijiyeen ilo xog ugaal u ah shirka, waxaana arinta ugu weyn ee ay labada dhinac isku mari waayeen la sheegay in ay tahay arinta maamul u sameynta Jubooyinka.

………..
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.