4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2013
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo sheegay Inaysan jirin Wadahadallo dhexmaraya Siilaanyo iyo Xasan Sheekh


Arbaco, Maarso 27, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ka jawaabayay warar ku saabsa inay Dubai ku kulmi doonaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inuusan jirin kulan dhexmari doona labada madaxweyne.

Cumar oo ku sugan Dubai ayaa BBC-da u sheegay in safarkooda uu ahaa mid ay kula kulamayeen madaxa Imaaraadka uuna u dhammaaday, ayna Arbacada maanta ah dib ugu laaban doonaan Somaliland.

“Shir ay labada madaxweyne halkan ku yeelanayaan ma jirto, wararka lagu sheegay inaan halkan u nimid inaan la kulanno madaxweyaha Soomaaliya waa mid aan jirin,” ayuu yiri Cumar oo inaas intaas ku daray: “Booqashadii aan halkan (Duabi) ku nimid waxay ahayd casuumaad rasmi ah oo aan ka helnay dowladda Imaaraadka wayna noo dhammaatay; mana jiro kulan kale oo noo qorsheysan inaan halkan ku yeelanno.”

Wasiirku wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin sii socoshada wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaawsoo uu sheegay intii ay jirtay dowladda cusub Soomaaliya inaysan suurgelin, taasoo uu u sababeeyay inay dowladda Soomaaliya ku mashquulsanayd arrimo iyada u gaar ah oo ay ka mid yihiin sugidda nabadgalyada.

“Qorshayaal lagu damacsan yahay in wadahadalldu ay dib u bilowdaan ayaa socda, innaga (Somaliland) diyaar ayaan u nahay inaan ka qaybgalno meel kasta oo wadahadallada lagu qabanayo, muhiim ayayna Somaliland u yihiin wadahadalladaas,”  ayuu yiri Maxamed Cumar.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd inay ka qaybgalayaan shirka bisha May lagu qaban doono magaalada London ayuu sheegay inaysan diyaar u ahayn inay ka qaybgalaan, maadaama uu yahay shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

“Ujeeddada ugu weyn ee shirka London laga leeyahay waa mid la doonayo in taageerooyin caalami ah oo dhinaca ammaanka lagu siiyo Soomaaliya, balse wadahadallada Somalia iyo Somailland waxay u baahan yihiin diyaargarow ka duwan midkan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Gabagbadii hadalkiis ayuu ku sheegay inaysan jirin wax casuumaad ah oo ay ka heleen dowladda Britain kuna saabsan shirka Lodon, isagoo xusay inay ku adkeysanayaan in shirkaas aysan diyaar u ahay inay ka qaybgaleen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya