4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
James Swan: "Doorashooyinka Puntland waa inay Noqdaan kuwo xalaal ah oo aan Waqtigooda dhaafin" (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu horkacayey ergeyga dowladda Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan, ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Putland.

Wefdiga Swan oo ay ku jireen xubno ka socdey dalalka Sweden, UK iyo Midowga Yurub, waxay xarunta madaxtooyada kullan kula qaateen madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ku-xigeenkiisa Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada.

Kulanka kaddib ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay madaxweyne Faroole iyo James Swan, waxayna labada mas'uul ka warbixiyeen qodobadii ugu muhiimsanaa ee kulanka maanta labada dhinac ay xarunta madaxtooyda ku yeesheen la iskula soo qaaday.

Madaxweynaha Putland oo ugu horeyn hadalka qaatay ayaa u mahad celiyey wefdiga ballaraan ee maanta Garoowe yimid, wuxuuna sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin imaatinkooda, isagoo intaas raaciyey in arimo badan oo Puntland iyo guud ahaan dalka khuseeya ay kawada hadleen.

Qodobbada ugu muhiimsan ee uu madaxweynuhu tilmaamay waxaa kamid ahaa: taageerista geedi-socodka dimuqraadiyadda ee Puntland, hirgelinta nidmaamka federaalka ee dalka iyo sidii ay Puntland gacan uga siin lahaayeen dhinacyada ammaanka iyo arimaha bini aadminida.

Ergeyga Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya James Sawn ayaa isna dhankiisa sheegay in ay ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Puntland, wuxuuna intaas raaciyey in wefdigiisu ay daba socdeen wedi kale oo labo beri kahor soo gaaray Garoowe, kuwaasoo kulammo gooni gooni ah la yeeshay ururada  siyaasadda, guddiga doorashooyinka iyo ururada bulshada.

“… Ujeedada booqashadeenu waa in aan eegno sida ay nooqanayaan doorashooyinka soo socda ee Puntland…Doorashanka soo socda ee goleyaasha deegaanka, baarlamaanka iyo tan madaxweynuhuba waa in ay noqdaan kuwo xor ah, xalaal ah, si cad u dhaca oo aan waqtigoodana dhaafin..” James Swan ayaa yiri.

Waa markii labaad ee uu Puntland booqasho ku yimaado James Swan oo ah ergeyga dowladda Marayka u qaabilsan Soomaaliya, intii lagu guda jirey sanadkan 2013.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya