4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
Maamulladii Gobolka Bay iyo Degmada Baydhabo oo la dhaariyay iyo Jawaari uu dib ugu soo laabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Waxaa maanta la dhaariyay maamulka gobalka Bay iyo kan degmada , kaddib markii la xaliyay khillafkii taagnaa ee qaar ka mid ah xildhibaannadii joogay magaalada Baydhabo ay isku haysteen, iyadoo la magacaabay guddoomiye ku xigeenkii gobalka Bay, kaas oo loo magacaabay, Shiine Macalin Nuurow, iyadoo isla markaasna loo dhaariyay.

Kaddib dhaarta, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo xildhibaannadii ku sugnaa Baydhabo waxay dib ugu laabteen caasimadda Soomaliya ee Muqdisho.

Laba xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannadii baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo ku haray, kuwaasoo kala ah Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade, kuwaasoo u haray hawlo kusaabsan maamulka la dhaariyay.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo ayaa waxaa xalay ka da’ay roobkii ugu xoogganaa toddobaadkan, inkastoo la sheegay in gobolka Bakool uu ka da’ay dhammaan degmooyinkiisa roob-wayn , taasoo ay ku riyaaqeen beeraleyda iyo xoola dhaqatada ku nool gobolkaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari ayaa Baydhabo ku sugnaa magaalada Baydhabo labadii maalmood ee lasoo dhaafay, isagoo kulammo looga hadlay ammaanka la yeeshay saraakiisha Itoobiya, kuwa AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya u magacowday gobolka Bay iyo degmada Baydhabo maamullo cusub ayaa waxaa taagnaa khilaafyo soo laalaabtay, kuwaasoo ay u muuqato in xal kala dambeys ah loo helay.






Hiiraan Online, Baydhabo