4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
Iskahorimaad khasaare geystay oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya Mar kale ku Dhexmaray Magaalada Marko

Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka ayaa billowday markii la weeraray guriga uu degmadaas ka deggen yahay mid ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka, iyadoo dagaalku uu socday muddo saacado ku dhow.

Guddoomiyaha degmada Marko Axmed Macallin C/raxmaan Cukaash ayaa dowladda ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay isbedel ku sameyso maamulka gobolka iyo kan degmada, isagoo dagaalka ku sheegay inuu yahay mid awood-bursi ah.

Xaalada degmada Marko ayaa saakay deggen inkastoo ciidamadii dagaalku dhexmaray ay weli ku sugan yihiin gudaha degmada, waxaana dagaalkan uu daba socday dagaal dhawaan ka dhacay degmadaas.

Mid ka mdi ah guddoomiye ku xigeennada degmada Marko oo BBC-da la hadlay ayaa isaguna sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo ciidammo kawada tirsan dowaldda Soomaaliya Soomaaliya, balse u kala safan hab beeleed, taasoo uu sheegay inay sii xoojin karto colaadda ka taagan degmadaas.

Degmada Marko ayaa waxay 90-km dhinaca Koonfureed kaga beegan tahay magaalada xarunta ah ee Marko, waxayna ka mid ahayd degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen xoogagga Al-shabaab oo sannado ka talinayay.

Shacabka ku nool degmada Marko ayaa sheegay inay cabsi weyn qabaan, taasoo ku saabsan dagaalka ay ciidamada dowladdu dushooda ku dagaalamayaan, iyadoo dowladduna aysan weli xal ka gaarin colaaddaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya