4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2013
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo Maanta tagay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 23, 2013 (HOL) — Wafdigan oo ka koobanaa sagaal xubnood ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan.

Sida ay HOL u sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan wafdiga ayaa isugu jiray xubno ka socday hay’addaha samafalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska siyaasada UNPOS, kuwaasoo u kuur-galayay xaalada guud ee gobollka Hiiraan.

Kulan dhaxmaray xubnaha wafdiga iyo mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa siweyn loogu lafa-guray xaaladaha nabad-galyo iyo nolaleed ee guud ahaan gobollka gaar ahaan deegaannada laga saaray Al-shabaab ee gobollka Hiiraan iyo sidii looga baahin lahaa gargaarka ay dadku u baahan yihiin.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday xaaladihii ugu danbeeyay ee cudurka shuban biyoodka oo faro ba’an ku haya bulshada ku dhaqan magaalada Baladweyne, iyaga oo kormeeray ama tagay xarumaha sida ku-meel-gaarka ah dadka loogu daweynayo.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan qaarkood ayaa sheegay in ay isku afgarteen xubnaha wafdiga maanta booqday Baladweyne dhamaan qodobadii ay ka wada hadlleen, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gurman doonaan dadka ay la soo darseen xaalada caafimaad.

Ma ahan markii ugu horeysay oo wafdi ka socda QM ay booqdaan magaalada Baladweyne, laakiin xubnaha maanta tagay ayaa safarkooda waxaa uu ku soo beegmayaa xili dad ka badan 60 ruux oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ku jiraan xarumo gaar ah oo looga sameeyay dulleedka magaalada Baladweyne.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya