4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo soo Bandhigtay Qorshe cusub oo lagu Xoojinayo Habka lagu bixinayo Gargaarka Soomaaliya

Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hab ama qorshe cusub oo lagu xoojinayo sidii gargaarka lagu bixin lahaa gargaarka ama mucaawinooyinka, taasoo ay shegtay inay kula heshiisay hay’adaha caalamiga ah.

Madaxa xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in beesha Caalamka ay ku wargeliyeen inay bedelaan halka ay ku caawin jireen Soomaaliya, ayna tahay xilligan in Soomaaliya laga caawiyo waxyaabaha ay u baahan tahay.

“Xukuumad ahaan waan soo dhaweynaynaa habka cusub kaasoo ay heshiis ku gaareen Soomaaliya iyo dalalka deeqaha bixiya,” ayuu yiri Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ah wasiirka wafaafinta, isgaarsiinta iyo gadiidka dowladda Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyay: “Waxaan qirsannahay in qorshahan cusub uusan waxyeello u geysanayn qorshihii ay horay u dejiyeen dalalka G7 la yiraahdo ee lagu hirgsanayo horumarka maleeniyumka. Fulinta qorshahan cusub waa mid saldhig u noqonaya hab dhameystiran oo lagu xaqiijinayo inay deequhu gaaraan halkii ama dadkii loogu talogalay.”

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in natiijada fulinta qorshahan lasoo bandhigi doono sannadkiiba mar, isagoo xusay inuu ku soconayo hab la isku raacsan yahay iyo isla-xisaabtan dhab ah.

Qorshahan ayuu sheegay wasiirku inay dajiyeen dalalka qaniga ah ee G7 iyo 19 dal oo colaaduhu ay saameyn ku yeesheen, isagoo xusay inuu qorshahan yahay mid cusub oo wax looga bedelayo habkii hore ee Soomaaliya lagu siin jiray gargaarka.

Arrintan ayuu sheegay inay saldhig u tahay shan ajande oo lagu doonayo in lagu soo celiyo nabadda laguna dhiso dalka. Wuxuuna raaciyay hadalkiisa in qorshahan uu yahay hab ay beesha caalamku ku go’aansatay inay wax ka bedesho habkii ay Soomaaliya gargaarka ku siin jireen.

Shanta qodob ayaa waxay kala yihiin: Siyaasad dhameystiran, ammaan, cadaalad, aasaaska dib u dhiska dhaqalaaha dalka iyo in u habeynta ciidamada qalabka sida.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay kala hadashay fulinta qorshahan cusub hay’adaha la shaqeeya oo ay ka mid yihiin: Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Bankiga Adduunka, hay’adda USAID iyo kuwo kale oo badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya