4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2013
Taliyaha AMISOM oo sheegay inay diyaar u yihiin in Ciidanka Itoobiya ay kala Wareegaan deegaannada ay ka baxayaan


Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay isku diyaarinayaan sidii ay ula wareegi lahaayene goobihii ay Itoobiya kala baxday ciidamadeeda.

Jen. Gutti ayaa sheegay in ciidamadooda ay sugi doonaan ammaanka dadka ku nool deegaannada Bay iyo Bakool ee ay Itoobiya ciidamadeeda kala baxday, isagoo sheegay in ciidamadooda ay awood u leeyihiin inay amaniga goobahaas sugaan.

“Waxaan diyaar u nahay inaan deegaannada Bay iyo Bakool ee ay ciidamada Itoobiya ka baxeen inaan geynno ciidammo xaqiijiya ammaanka, si aysan u lumin deggenaashaha,” ayuu yiri Jen. Gutti. Isagoo intaas ku daray in guud ahaan goobaha ay Itoobiya ku sugan tahay ee Koonfurta Soomaaliya ay ka go’an tahay inay la wareegaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa ah ciidammo awood badan ku lahaa Koonfurta Soomaaliya tan iyo bishii November ee sannadkii 2011, halkaasoo ay si iskood ah u soo galeen, waxayna maalintii Axadda ahayd ee lasoo dhaafay ka baxeen magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasoo ay Al-shabaab dib ula wareegtay.

Sidoo kale, degmada Xudur waxaa ka baxay ciidamadii dowladda Somalia ee la joogay ciidamada Itoobiya, iyadoo sidoo kale ay degmadaas cabsi awgeed uga baxeen in ka badan 2,000 qof, kuwaasoo gaaray degmada Ceelbarde iyo deegaanno kale oo ku yaalla Bay iyo Bakool.

AMISOM oo tiradoodu tahay in ka badan 17,000 oo askari ayaa waxay tan iyo sannadkii 2011 dagaallo adag kula jireen Al-shabaab oo inta badan dalka ka talinaysay, iyagoo ku guuleystay inay ka qabsadaan deeganno badan oo ay ku jirto magaalada Kismaayo.

Hadalka kasoo baxay taliyaha AMISOM ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo sarkaal ka tirsan AMISOM uu ku sheego inay ciidamadoodu kala wareegayaan kuwa Itoobiya goobaha ay banneynayaan, iyadoo mudane ka tirsan baarlamaanka uu dhawaan sheegay in saraakiisha Itoobiya ay ku wargeliyeen inay ciidamadooda kala bixi doonaan gobollada Bay iyo Bakool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya