4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2013
Qodobbo laga soo saaray shir ay Maanta Golaha Wasiiraddu Xukuumadda ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho

Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, kaasoo uu guddoominayay ra’iisul wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo looga hadlay qodobbo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen qorshe loogu magac-daray “The New Deal”, arrimaha amniga iyo soo celinta hantidii dowladda, gaar ahaana warshaddihii dalka.

Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay in ugu horreyn golaha wasiirradu warbixin ka dhegeysteen guddigii loo xilsaaray inay keenaan faah-faahinta dilal ka dhacay todobaadkii magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay dhallinyaro si koox-koox ah maydadkooda loogu arkay degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood, waxaana arrintan ka warbixiyay wasiirka arrimaha gudaha oo ka mid ah guddigii loo xil-saaray dhacdadaas.

Wasiirka ayaa sheegay in warbixinta guddiga kaddib, ay goluhu isla qaateen in dib loogu dhigo kulanka dambe ee golaha, si go’aan looga gaaro. Wasiirka Warfaafinta, ayaa sidoo kale faah-faahiyay warbixin golaha wasiirrada ay ka dhegeysteen khubaro ku xeel-dheer barmaamijka loogu magac daray “The New Deal”, kaasoo ah qorshe ballaaran oo ay dhaqan-gelinayaan dalalka deeqaha bixiya isla markaana ay ku dalbanayaan si looga caawiyo baahida gargaar ee ay qabaan.

Qorshahan ayuu sheegay wasiirku in golaha wasiirradu ay soo dhaweeyeen, ayna isla garteen in hay’adaha kala duwan ee dowladdu ku dhaqmaan si loo helo taageero ka tarjumeysa baahida shacabka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in golaha wasiirrada ay ka doodeen qorshe ku aaddan dib u soo celinta hantida dowladda, gaar ahaana warshaddihii uu dalku lahaan jiray, wuxuuna xusay inay isla garteen in la magacaabo guddi Qaran oo ku magacaaban wareegto madaxweyne, isla markaana leh awood ay ku fuliyaan howlahooda. Taasoo sahleysa in si dhameystiran dowladdu u hesho goobihii iyo qalabkii warshaddaha dalka.

Ugu dambeyn, wasiirka warfaafinta ayaa xusay in golaha wasiirradu ay ka hadleen codsiyo ay soo jeediyeen dad Soomaali ah kuwaasoo doonaya inay helaan jinsiyadda Soomaaliga iyo weliba baasaboor, maadaama ay ahaayeen Talyaani, halka hooyooyinkood ay ka ahaayeen Soomaali, wuxuuna xusay in dib loogu dhigay inta laga meel marinayo sharciga jinsiyaddaha dalka, kaddibna laga gaari doono go’aan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya