4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta kormeer ku tagay Dekedda Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer howleed ku tagay dekedda weyn ee magaalada, waxaana kormeerkan ku wehlinayay xubno dowladda ka tirsan, wuxuuna socod ku maray bakhaarada dekedda iyo goobaha kale oo ay ka kooban tahay dekedda.

Kormeerkan ayuu madaxweynuhu ugu kuur-galayey sida ay howlaha kala duwan ee dekeddu u socdaan, iyadoo la ogyahay in dekeddu ay tahay isha ugu weyn ee ay dowladdu ka hesho dhaqaalaha ay ku shaqeynayso inta ugu badan.

Madaxweynaha warbixinno ku saabsan sida ay u socdaan howl-maalmeedka shaqo ee dekedda ka dhageystay maamulka dekedda, iyagoo madaxweynaha u sheegay in howshu ay u socoto si caadi ah, isla markaana ay sii kordhayaan maraakiibta iyo doonyaha kusoo xirana dekedda.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in howlaha dekeddu ay u socdaan si wanaagsan, isagoo ku bogaadiyay maamulka guud ee dekedda sida ay howsha dekedda u wadaan.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu booqasho ku tago dekedda Muqdisho tan iyo markii xilka madaxweynimo loo doortay muddo hadda laga joogo lix bilood.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya