4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2013
Askar ku dhimatay Iskahorimaad gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmaray Ciidammo kawada Tirsan Dowladda

Khamiis, 21 Maarso, 2013(HOL) - Laba askari ayaa ku dhimatay mid kalena waxaa kasoo gaaray dhaawac kadib markii ay israsaaseyn dhexmartay askar kawada tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee magaalada Kismaayo.

Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii ciidamo katirsan kuwa dowladda ay rasaas ooda uga qaadeen ciidamo kale oo doonayay in ay dhac u geystaan goob ganacsi oo ku taal magaalada, waxaana iskahorimaadka dhexmaray labada ciidan uu sababay dhimashada laba askari iyo dhaawac mid kale.

“Laba ciidan ayaa ku dagaalantay suuqa dhexdiisa, kuwo doonayay in ay dhacaan goob ganacsi ayaa waxa soo weeraray ciidamo kale oo katirsan dowladda, waxaana laba dhinac dhexmartay israsaaseyn,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Kismaayo oo HOL u waramay.

 Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay laba kamid ah kooxihii doonayay in ay dhaca u geystaan goobta ganacsi, kuwasoo la dhigay xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo.

Waa markii ugu horeeysay oo israsaaseyn ceykan oo kale ah ay gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmarto ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya