4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2013
Maxkamadda Hargeysa oo xukun ku ridday Boqor Raabbi oo lagu eedeeyay in uu shir kaga qayhgalay Magaalada Muqdisho

Arbaco, Maarso 20, 2013 (HOL) — Maxkamadda Hargeysa ayaa maanta xukun laba sano ah ku ridday boqor Raabbi Yuusuf Cabdullaahi laba sano oo xarig ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ka qaybgalay shir loo horjeedo madaxbannaanida Somaliland oo ka dhacay Muqdisho, uuna wax kasoo xulay baarlamaanka Soomaaliya.

Boqor Raabbi oo muddo 45 maalmood ah ku xirnaa xabsiga Hargeysa ayaa dib loogu celiyay halkaas markii uu xukunku dhacay, iyadoo garyaqaanka u doodayay boqorka uu sheegay in xukunka uu yahay mid aan cadaalad ku saleysnayn.

“Xukunkan waxaan u cuskannay qodobka 212 ee xeerka ciqaabta guud ee Somaliland, kaddib markii boqorka ay ku caddaatay inuu ka qaybgalay shir looga soo horjeedo madaxbannaanida iyo gooni-isu-taagga Somaliland, sidoo kalena uu ka mid ahaa xubnihii soo xulay baarlamaanka Somaliland,” ayuu yiri garsooraha maxkamadda Hargeysa, Cismaan Ibraahim Daahir oo si kooban ula hadlay warbaahinta.

Garyaqaanka u doodayay boqor Raabbi oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Obokor oo isaguna warbaahinta kula hadlay dibadda maxkamadda markii uu xukunku dhacay ayaa sheegay in xukunka maxkamaddu uu ka horimaanayo xeerarka Somaliland kana fog cadaaladda; isagoo sheegay inay rafcaan ka qaadan doonaan xukunkan.

Wariyeyaashii ku sugnaa goobta uu xukunku ka dhacayay ayaa loo diiday inay codadka duubtaan ama ay sawirro qaataan, iyadoo la arkayay boqorka oo ilko caddeynaya markii la xukumay.

Shirkii Muqdisho ee lagu soo dhisay baarlamaanka laguna ansixiyay dastuurka KMG ahaa ee dalka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socday Somaliland oo uu ka mid ahaa boqorka maanta ay xukuntay maxkamadda Hargeysa ee Somaliland.

Xeerarka Somaliland ayaa dhigaya in cid walba oo lagu helo inay Somaliland ahaan uga qaybgashay shir ka dhacaya Koonfurta ama mas’uuliyad ka qabata xukuumadda Soomaaliya ee dib ugu laabta Somailland la xiri doono lana xukumi doono.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya