4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2013
Wasiirro ka tirsan Dowladda Somalia iyo Tailye xigeenka cusub ee Ciidamada Xoogga oo Gaaray Magaalada Baydhabo

Talaado, Maarso 19, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed maxamed Maxamuud oo uu ka mid yahay wasiir u dowlaha wasaaradda maaliyadda, Maxamed Rashiid Sheekh Daahir iyo abaanduulaha cusub ciidamada xoogga dalka, C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wafdiga ayaa waxay magaalada Baydhabo kulammo kula yeesheen xubnaha maamulka gobolka iyo kan degmada, iyagoo kala hadlay xaaladda amni ee degmada Baydhabo iyo ciidamada dowladda oo mararka qaarkood halkaas ka sameeya gadood.

Socdaalka wafdiga ayaa wuxuu imaanayaa maalin kaddib markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasoo ay dib ula wareegtay Al-shabaab oo muddo sannad ah ku sugnaa duleedyada degmadaas.

Booqashadan ayaa waxay sidoo kale imaanaysaa xilli xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan Baydhabo uu sheegay in saraakiisha Itoobiya ay ku wargeliyeen inay isaga bixi doonaan gobollada Bay iyo Bakool.

Markii ay ciidamada Itoobiya ay ka baxeen degmada Xudur Axaddii aynu soo dhaafnay ayaa waxay dhalisay walaac ah in ciidamada Itoobiya inay isaga baxaan dhammaan gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Horraantii sannadkan ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay inay ciidamadiisu sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya, tan iyo inta Al-shabaab laga adkaanayo, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha isbedelkan deg-degga ah keenay.

Inta la ogyahay in ka badan 2,000 oo qof oo ku noolaa degmada Xudur una badan haween iyo caruur ayaa degmadaas ka yaacay markii ay ciidamadii Itoobiya billaabeen inay isaga baxaan, kuwaasoo ka baqdin qabay inay ka dhici karaan gudaha iyo daafaha degmada iskahorimaadyo u dhexeeya labada dhinac.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya