4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2013
Ururka Midowga Yurub oo sheegay in howsha Tababbarka Ciidamada Somalia si dhaqso ah loogu Wareejinayo Muqdisho

Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay si dhaqso badan ugu rarayaan howsha tababaridda ciidamada Soomaaliya gudaha magalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, halkaasoo lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya.

Madaxa howgalka tababarka ciidamada Soomaaliya ee Midowga Yurub, Bri-Jen. Gerald Aherne ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Arbacadii lasoo dhaafay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium in howsha tababarka Uganda ee ciidamada Soomaalida ah loo wareejin doono Muqdisho.

Balse wuxuu sheegay inay u baahan yihiin saddex arrimood oo kala ah: inay saraakiisha tababarka bixiaya ay helaan fursad nabadeed oo ay ku shaqeyn karaan, qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen oo Muqdihso la geeyo iyo weliba iyo dawooyin.

“Waxaan ku rajo weynnahay inaan dhammaan waxyaabaha aan dalbanay aan heli doonno,” ayuu yiri Jen. Aherne. Isagoo xusay in wax wanaagsan ay tahay in ciidamada Soomaaliya lagu tababaro wixii hadda ka dambeeya gudaha dalkooda.

Howsha ay Midowga Yurub ku tabarayaan ciidamada Soomaaliya ayaa waxay socon doontaa illaa bisha Maarso 2015, taasoo ay isku raaceen dhamaan xubnaha EU-da oo shir ku yeeshay xaruntooda Belgium.

Tababarka ciidamada Soomaalida ee uu bixinayo Midowga Yurub ayaa waxaa lasoo billaabay sannadkii 2010, iyagoo tababaray 3,000 oo askari oo hadda ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli dowladda Soomaaliya ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbatay in cunno-qabteynta hubka laga qaado si ay dib ugu dhisto ciidamadeeda qalabka sida.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya