4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2013
Taliyaha booliska Somaliland oo ka warbixiyay howlgalo dad badan lagu soo qabqabtay oo laga sameeyay Hargeysa iyo Burco

Sabti, Juun 08, 2013 (HOL) — Ciidamadda amniga Somaliland ayaa hawlgalo balaadhan oo ay dad ku soo qabqabteen ka fulinayey maalmihii ina dhaafay  magaaladda Hargeysa iyo Burco, kuwaas oo baadhitaankoodu ka socdo xarumaha dambibaadhista ee magaalooyinkaasi.

“Ciidanka boolisku waxay fuliyeen hawlgalo ay ku soo qabqabteen 11 qof, dadkaasi qaar waxa looga shakiyey Alshabaab, qaarna waa shakhsiyaad ciidanka ka hor yimid markii ay hawlgalka wadeen”ayuu yidhi taliyaha ciidanka booliska Gen: Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlayey hawlgalkaasi ay ciidanku fuliyeen.

Dadkan la xidhay waxa ku jiray Cismaan Awr Liqe oo dhowaan iska casilay madaxa xafiiska xidhiidhka dadweynaha ee madaxtooyadda, waxaanu taliyuhu sheegay in masuulkaasi is hortaagay ciidanka hawlgalka fuliyey, sidaa darteed loo soo xidhay.

 “Cismaan Aw liqe way jirtaa in la soo qabtay sababtuna waxay ahayd ishor taag ciiidanka booliska si cadaalada waa loo baadhayaa, ninka kale waa Askari boolis ah oo la qabtay waxaana lagu eedeeyey inuu war bixiyey arrintaasna waa la baadhayaa” taliyuhu hadalkiisa raaciyey.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidanka ayaa maalmihii u dambeeyey hawlgalo ay dad ku soo qabqabaneyeen ka fulyey magaladda Hargeysa iyo Burco, haseyeeshee qoysaska la baadhay ayaa si weyn uga cabanaya xilliyadda dambe ee guryaha la baadhayo iyo qaabka arxandarada ah ee ciidanku guriga u baadhayo oo ay agabka guriga yaalla ay burburinayaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland