4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2013
Xukuumadda Somalia oo dhinacyada ku diriraya Magaalada Kismaayo ugu baaqday in dagaalka la Joojiyo, lana Wadahadlo


Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo ugu baaqay inay si dag-dag ah u joojiyaan dagaalka, ayna xal iyo nabad ku dhameeyaan khilaafka u dhexeeya.

"Waxaan u soo jeedinayaa dhinacyada ku dagaalamaya gudaha magaalada Kismaayo inay joojiyaan xabadda ayna ka wadahadlaan khilaafkaadka dhex-yaalla ku dhameystaan. Shacbiga iyo magaalada Kismaayo midkoodna kama bixi karo dagaal cusub, sidaas daraadeed waa inay labada dhinacba gartaan in xalku uusan ku jirin qoriga caaraddiisa," ayuu ra'iisal wasaare Saacid ku yiri warsaxafadeedka ay soo saartay xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Faqi oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo, kana dhigay cawaaqib-xumada ka imaan karta hadii dagaalku sii socdo.

"Waxaan ugu horreyn ku baaqayaa in dagaalka sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo. Waxaana ka digaynaa cawaaqib-xumada colaaddu deegaankaas u keeni karto, sida macaluul baahda iyo in ammaanka uu  faraha ka baxa," ayuu yiri Cabdixakiin Faqi. Isagoo intaas ku daray waxaana inay dadaal ugu jiraan sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda Kismaayo.

Xukuumadda federaaliga Soomaaliya waxay mar kale ku baaqaysaa ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan in dhinacyada is-hayaa ay wadahadallo kusoo af-jaraan khilaafkaadkooda. Iyadoo sheegtay inay ka digayso dhibaatada uu shacbiga iyo deegaanka u gaysan karo dagaal kasii socda Kismaayo oo laga saaray Al-shabaab sannadkii hore.

Ugu dambayn, xukuumaddu waxay sheegtay inay cadaynayso inay dadaallo ugu jirto sidii colaaddaas loo damin lahaa, ammaankana deegaankaasna loo xoojin lahaa, iyadoo xustay inay arrintaas la kaashanayso ciidammada AMISOM ee ku sugan Kismaayo.

Dagaalkii manta ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa ku geeriyooday tiro dad  ah oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo shacab, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo qaarkood ay xaaladdoou aad u culus tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya