4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2013
Wax-garad iyo Siyaasiyiin Reer Hiiraan ah oo Muqdisho ka Sheegay in Reer Hiiraan ay taageersan yihiin Dowladda (SAWIRRO)


Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Waxgarad iyo siyaasiyiin maanta ku shiray magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa sheegay in reer Hiiraan ay taageersan yihiin dowladda, iyagoo xusay inay raalli-gelin ka bixinayaan hadalkii dhawaan kasoo yeeshay xubno ka tirsan reer Hiiraan oo ku shiray magaalada Baladweyne.

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen waxgarad, siyaasyiin, dhallinyaro iyo haween kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa waxay ku sheegeen in shacabka ku nool gobolka Hiiraan ay si buuxda u taageersan yihiin dowladda Somalia ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan halkan ka caddeynaynaa in reer Hiiraan waxay kalsooni buuxda u hayaan dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaheeda oo ka mid ah dadka ka soo jeeda gobolka, waxaana raalli-gelin ka bixinaynaa hadalkii kasoo yeeray qaar ka mid ah odayaasha gobolka oo Baladweyne ku shiray dhawaan,” ayuu yiri nabaddoon Jamaal Maxamed Cali oo ka mid ah waxgaradka kulankii maanta ka hadlay.

Nabaddoonka ayaa sheegay in odayaasha sheegay inay kalsoonida dowladda kala laabteen ay ka caroodeen wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qarnka oo ay sheegeen in uu gobolka uu u magacaabay mas’uuliyiin cusub, taasoo ay ku tilmaameen inay ahayd faragelin uu ku sameeyay maamulka gobolka.

Xubnihii kale ee ka hadlay kulankii maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa: nabaddoon Maxamuud Xasan Jimcaale oo sheegay in arrintii gobolka ka dhacday ay dowladda uga soo hoyden ayna shacabka ku nool gobolka Hiiraan taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin dowladda iyo mas’uuliyiinteeda.

“Madaxweynaha iyo dowladdiis waa laga taageersan yahay gobolka Hiiraan, mana jiraan wax mucaaradad ah oo kaga furan, waxaana shacabka dhaliisha qaba aan ugu baaqaynaa inay dowladda ula yimaadaan tabashadooda ayna kala hadlaan intii ay warbaahinta ka dhaleeceyn lahaayeen,” ayuu yiri mid ka mid ah nabaddoonnadii hadlay oo lagu magacaabo, C/raxmaan Jimcaale Cismaan.

Sidoo kale, nabaddoon Faarax Bootaan, nabaddoon Gasle iyo nabaddoon Axmed Xasan Xiireey oo iyaguna kulanka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in xilligan aysan habboonayn in waxgaradka gobolka qaarkood ay sheegaan inay kalsoonida kala laabteen, maadaama lagu jiro xilli ay dowladdu dadaal weyn ugu jirto inay dalka oo dhan isbedel ka sameyso, sannado badan oo colaado ah kaddib.

Dhammaan waxgaradkii, siyaasiyiintii iyo xubnihii kale ee kulanka hadallada ka jeediyay ayaa waxay qireen in dowladda Soomaaliya taageero buuxda looga hayo gobolka Hiiraan oo aysan jirin cid kasoo horjeedda, hadalladii horay loo sheegayna ay ka raalli-gelinayaan dowladda.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya