3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2013
Dooni Laga Leeyahay Dalka Hindiya oo Laga Afduubtay Meel 20 Mayl u Jirta Dekedda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa dooni laga leeyahay dalka Hindiya ka qabsaday gelinkii hore ee shalay meel 20 mayl u jirta dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Doonidan oo lagu magacaabo Shaahi Al-Nuuri, ayaa Boosaaso ka qaaday 596-neef oo lo' ah, iyadoo ku wajahneyd magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qadar.

Maxamed Xasan Beeldaaje oo ah ganacsadaha iska leh xoolaha ay doontu siddo, ayaa mar ay shabakadda HOL khadka telefoonka kula xiriirtay sheegay, in naakhuudaha doontu uu lasoo xiriiray waxyar kahor intii aysan burcad-badeeddu doonta si buuxda gacanta ugu dhigin.

Wuxuuna intaas raaciyey isla durbadiiba ay arintan ku wargeliyeen ciidamada badda Puntland; si ay uga daba tagaan, haseyeeshee ilaa iyo hadda aan la ogeyn dhanka ay burcad-badeedku doontaas ula dhaqaaqeen.

Doonta Shaahi Al-Nuuri oo ay saaran yihiin shaqaale u badan Hindi ayaa ka shiraacatay dekedda magaalada Boosaaso goor hore oo ah subaxnimadii shalay.

Inkasta oo horay dhowr doomood sidan oo kale looga afduubtay meel aan waxbadan ka durugsaneyn dekedda Boosaaso, waxay hadana tani noqonaysaa tii ugu horeysey intiii lagu guda jirey sanadkan 2013.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland,Soomaaliya













Click here
6/6/2013 2:39 PM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) —Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa maanta kulan la qaatay ardayda wax ka barata Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama. Kulanka ardeyda iyo Prof. Samatar ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay maamulka jaamacadda iyo mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland.

6/6/2013 2:06 PM EST
Hees: Dhibaatada Haysata Soomaalida Ku nool Koofur Afrika

6/6/2013 11:18 AM EST
Khamiis, June 06, 2013(HOL) :- Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu dhawaan gudaha Kismaayo loogu doortay madaxweeynaha Jubbaland ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

6/6/2013 9:03 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Afar qof ayaa ku dhimatay todoba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaarey Shil-gaari oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay meel 180-km magaalada Boosaaso bariga kaga aadan.

6/6/2013 9:01 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen dhirirka xuduudaha badda Soomaaliya, iyagoo go’aanno arrintaas kasoo saaray go’aanno. Iyadoo warsaxaafadeed kasoo baxay kulanka lagu yiri:

6/6/2013 7:16 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay laguna maamuusayay 36 sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska ciidamada xoogga dalka Jabuuti, ayaa lagu qabtay xerada Ceel-jaalle ee dulleedka magaalada Baladweyne oo saldhig u ah ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM.

6/6/2013 7:16 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Hay’adda Samafalka waddaniga ah ee HARO (Humanitarian Africa Relief Organization) ayaa deeq isugu jirtay dhar, kabo iyo booroosooyin ah u qaybisay dad dan-yar ah oo ku nool degmada wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana dad deeqdan ka faa’iideysatay ay kor u dhaafayeen illaa 1,000 qof oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada.

6/6/2013 6:37 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Al-Jazeera ayaa sheegay in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan aysan ahayn mid fudud, balse caalamka ay kala dhexeyso wadashaqeyn dhab ah.

6/6/2013 6:11 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) —Laba ciyaarood oo aad u adag, ayaa shalay iyo xalayba ka dhacay garoomadda ciyaaraha ee magaalada Hargeysa, waxaana iskaga hor yimid goboladda Gabiley iyo Togdheer, Awdal iyo Sool, Saaxil iyo Togdheer.

6/6/2013 6:08 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) —Qaar kamid ah xildhibaanada Soomaalida ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka dalka Kenya, ayaa xalay magaalada Nairobi casho-sharaf ugu sameeyey madaxweynaha Puntland iyo wefdi uu horkacayo oo muddo todobaad ah socdaal shaqo ku jooga dalka Kenya.

6/6/2013 3:27 AM EST
Khamiis, June 06, 2013Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa cabasho ballaaran ka muujiyay kooxo hubeeysan oo xilliyada habeenkii ah dadka isbaareeysta islamarkaana ka qaata moobeelada gacanta iyo waxyaalaha ay wataan.

6/6/2013 2:52 AM EST
Khamiis, June 06, 2013(HOL) :- Ciidamada dowladda Suuriya ayaa dib u qabsaday magaalada xuduuda ku taal ee Qusayr kadib dagaallo socday isbuucyo oo ay la galeen mucaaradka dalkaasi.

6/6/2013 1:54 AM EST
Kahmiis, Juun 5, 2013 (HOL) Culumada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa si weyn uga hadlay dilka naxariis-darrada ee loogu geysanayo Soomaalida ku nool dalka Koofur Africa, waxayna ku baaqeen in Soomaalida meel kasta oo ay joogaan ku bannaanbaxaan.