4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2013
Dugsi lagu baranayay Qur’aanka Kariimka iyo Duruusta kale ee Islaamka oo lagu gubay Waqooyiga London (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Aroornimadii hore saaka aabaarihii 03:15 daqiiqo saacadda London ayaa waxaa dab la qabadsiiyay duqsi lagu barto Qur’aanka kariimka iyo daruusaha kale ee Islaamiga ah oo ku yaalla waqooyiga London.

Dugsigan ayaa waxaa wax ka baranayay boqolaal arday Soomaliyeed ah, waxaa markiiba goobta gaaray in ka badan 34-dabdamis iyo gawaari badan oo booliiska Britain ay leeyihiin, waxaana goobta dul-marayay diyaaradaha  qumaatiga u kaca ee helicopter-ka loo yaqaa.

Markuu waagu baryay ayaa waxaa goobta soo buuxiyay waaliddiin iyo ardaydii wax-ka-baranaysay dugsigaas, inakstoo ciidamada booliiska iyo kuwa sirdoonka ay baarayaan sababta dugsigaas loo gubay.

Arrintan ayaa waxaa xiriirinayaa dhacdadii ka dhacday xaafadda Willich ee Koofurta magaalada London halkaasoo toddobaad ka hor lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Britain.



Ibrahim Cumar Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
London, Britain