3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Dagaalkii Kismaayo oo Qaboobay iyo Abaabullo Dagaal oo ka socda gudaha Magaaladaas oo weli la isku hor-fadhiyo


Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Dagaalladii maanta ka socday Kismaayo ayaa qaboobay maqrinimadii caawa, iyadoo ciidamadii dagaalku u dhexeeyay ay weli isku horfadhiyaan xaafado ka tirsan magaaladaas, waxaana si xowli ah uga socda barakac ay dadku sameynayaan.

Iyadoo dagaalkii maanta uu ahaa mid xooggan ayaa wararka aan ka helayno Kismaayo waxay sheegayaan inay ku dhinteen 20-ruux oo u badan shacabkii lagu dul-dagaalamay, kuwaasoo qaarkood ay dhaawacyo soo gaaray markii dambe ugu geeriyooday isbitaalka guud ee magaaladaas.

“Xaaladdu waa daggan tahay, waxaase socda abaabullo ay wadaan kooxihii ku dagaalamay magaalada, rasaas ayaa mararka qaarkood dhacaysa, iyadoo magaaladu ay u muuqato in labada dhinac ay u qaybsan tahay,” ayuu HOL u sheegay mid ka mid ah dadka ku nool Kismaayo.

Goobjoogahan ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay inta badan yihiin dadkii shacabka ah ee ka barakacayay magaalada, iyadoo qaar ka mid ah waddooyinka magaalada ay yaallaan maydadka kooxihii dagaalku u dhexeeyay iyo dad shacab ah oo ay dishay rasaasta iyo madaafiicda loo adeegsanayay dagaalkii maanta.

“Abaabullo ciidan ayaa socda, waxaana baqdin weyn laga qabaa inuu dhaco dagaal ka culus kuwii labadii maalmood ee lasoo dhaafay socday, dadkuna si aad ah ayay uga barakacayaan magaalada,” ayuu goobjooguhu hadalkiisa ku daray.

Ciidamada maamulka Sheekh Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay saldhig weyn ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka qabsadeen gellinkii dambe ee maanta, kaasoo ku yaalla warshadda hilibka ee Kismaayo.

“Qayb ayay ka yihiin ciidamada dowladda dagaalka, waxayna la safan yihiin xoogagga daacadda u ah Col. Barre Hiiraale, Cabdi Baalleey iyo Iftin Baasto, ciidamada AMISOM ee magaalada ku suganna wax tallaabo ah oo ay weli qaadeen ma jirto,” ayuu goobjoogahan hadalkiisa ku daray.

Dadkii ku dhintay dagaalladii maanta ayaa waxaa ka mid ahayd hooyo iyo saddex caruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo doonayay inay magaalada ka qaxaan, waxaana madfac uu kula dhacay bartamaha magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, dhaqaatiirta isbitaalka Kismaayo ayaa waxay ka cabanayaan dawo la’aan iyo qalab la’aan, iyadoo isbitaalka ay dhaawacyadii soo gaaray ugu geeriyoonayaan dad badan oo shacab ah, kuwaasoo rasaas iyo hubka waaweyn ay ku dhaceen iyagoo guryahooda ku sugan, qaarkood ay isaga barkacayeen magaalada.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay ku baaqday maanta in dagaalka la joojiyo ayaa haddana waxaa ka socda magaalada hub urursi xooggan oo dhinacyadii dagaalamay u dhexeeya, iyadoo baqdin weyn laga qabo dagaallo kale oo dhaca.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/29/2013 2:37 PM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland iyo Galmudug oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

6/29/2013 1:00 PM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya gaaray Shiikh Xasan Daahir Aweys oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Xasan Daahir ayaa waxaa Muqdisho geystay diyaarad ka soo qaadday Cadaado.

6/29/2013 12:45 PM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Afhyeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay maanta in dagaalka ka socda Kismaayo ay mas’uuliyaddiisa leedahay dowladda Soomaaliya, ciidamadooda halkaas ku suganna ay dhexdhexaad ka yihiin dagaalka.

6/29/2013 10:11 AM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Wasiirkii hore arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa maanta xilkii ku wareejiyey wasiirkii cusbaa ee loo soo magacaabay wasaaradda Cali Maxamed Warancadde.

6/29/2013 10:05 AM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Sarkaalka u qaabilsan safaarada Britain ee Soomaaliya arrimaha ciidamada ayaa maanta tagay magaalada Baladweyne isaga oo kormeeray ciidamada maamulka gobolka islamarkaana booqday xeryaha ay degan yihiin.

6/29/2013 9:24 AM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Kumannaan kamid ah taageerayaasha urur-siyaasadeedka uu hoggaamiyo madaxweynaha xilligan haya talada Puntland Dr. C/raxmaan Faroole ee Horseed ayaa maanta isugu soo baxay inta badan magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

6/29/2013 8:41 AM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Mucaaradka xukuumadda xilligan ka arimisa Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ku eedeeyey ururka HORSEED in ololihiisa doorashada uu ku maal geliyey hantida qaranka.

6/29/2013 8:30 AM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta mar kale ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose.

6/29/2013 8:12 AM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu u gudbiyay baarlamaanka Soomaaliya wuxuu kaga dalbaday xildhibaannada inay bil ka mid ah labada bilood ee fasaxa ay leeyihiin ay sii shaqeeyaan si ay u meel mariyaan hidiyaal sharciyeedyo ay u soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya.

6/29/2013 7:43 AM EST
Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa amar lagu siiyay inuu banneeyo dhul ku yaalla gobolka Rift Valley oo ah halkii ay dhaceen intoo badnayd rabshadihii uu dhiiga badani ku daatay ee dalka Kenya.

6/29/2013 7:18 AM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Dagaalkii magaalada Kismaayo ayaa si xowli ah uga socda xaafadaha magaaladaaas, iyadoo khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalkaas ka badan yahay kii shalay dhacay, waxaana wararku ay sheegayaan in 18-qof ugu yaraan ay ku dhinteen.

6/29/2013 7:06 AM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya iyo xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo inay si dhaqso ah ku joojiyaan dagaalka dhiiggu uu ku daadanayo ayna nabad iyo wadahadal ku dhameeyaan khilaafka u dhexeeya.

6/29/2013 6:51 AM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Ciidamada AMISOM ee Baydhabo ku sugan oo marayay suuqa afar irdoonka Baydhabo ayaa qarax miino lala beegsaday, iyadoo qaraxaas uu khasaare kasoo gaaray ciidamada Midowga Afrika iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

6/29/2013 6:31 AM EST
4 qof ayaa ku dhimatay 5 kalana waa ku dhaawacmeen dagaallo horleh oo ka dhacay tuulooyin ku teedsan magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee Soomaalida Kenya.

6/29/2013 3:54 AM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Hugunka madaafiicda culus ayay saakay kusoo kaceen dadka ku nool magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, taasoo daba socota dagaalkii shalay gellinkii dambe ka billowday magaaladaas.

6/29/2013 3:13 AM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay Sheekh Axmed Madoobe heshiis kula gasho inuu guddoomiye ka noqdao magaalada Kismaayo si xal loogu helo xiisadaha ka taagan degmadaas oo sababay gacan ka hadal.

6/29/2013 2:40 AM EST
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa la sheegay inuu ogolaaday inuu xildhibaannadii iyo waxgaradkii dhawaan gaaray degmda Cadaado uu u raaco Muqdisho, kaddib wadahadallo maalmo qaatay oo ku dhexmaray degmadaas.