4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Maxkamad ku Taalla Kenya oo Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Kenya Ruto ku xukuntay inuu banneeyo dhul la isku haystay

Sabti, June 29, 2013 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa amar lagu siiyay inuu banneeyo dhul ku yaalla gobolka Rift Valley oo ah halkii ay dhaceen intii badnayd rabshadihii uu dhiiga badani ku daatay ee dalka Kenya ka dhacay sannadihii 2007-08 .

Waxay kaloo maxkamadu amar ku bixisay in uu siiyo Adrian Muteshi oo ah ninka dhulka loo xukumay lacag dhan 5 milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta 58,200 oo dollar.

Kiiskan oo maxkamada la geeyay sannadkii 2010-ka ayaa xaakimka maxkamadu
Justice Ougo ay sheegtay in dhammaan cadaymaha maxakadu hayso inay muujinayaan in qaab aan sharci ahayn uu madaxweyne ku xugeenku dhulkaas ku qaatay.

William Ruto ayaa isaguna ku dacwoonayay in dhulkaas uu qof kale si sharci ah uga iibsaday, halka

Adrian Muteshi oo dhulka loo xukumay uu ka dacwoonayay in dhulkaas xoog looga dhacay xilligii ay rabshaduhu ka dillaaceen dalka Kenya ee sannadyadii 2007-08 oo ay Kenya ka dhaceen dagaallo salka ku hayay doorasho lagu murmay.

Waxaana xilligaas kadib Kenya ay samaysatay dastuur cusub oo qoraya in garsoorka dalka oo markii hore gacanta ugu jiray siyaasiyiinta iyo dadka dabada sare inuu noqdo mid madax bannaan.

Dadka falanqeeya siyaasada Kenya iyo saxaafada dalka ayaa kiiskaan si wayn isha ugu hayay, iyadoo markii xukunku uu dhacayna lagu tilmaamay inuu yahay mid taariikhi ah.

Waligeed Kenya kama dhicin in maxkamad ay dacwo u xukunto qof shacab ah marka ay is qabtaan siyaasiyiinta iyo dadka ah dabaqada hoose iyadoo markii laaluush la siin jiray garsoorayaasha maxkamadaha oo haatan ah kuwa ugu mushaarka badan dalka.

Waxaana xukunkan loo arkay inuu cadaynayo in garsoorka dalka Kenya uu yahay mid madax bannaan oo la isku hallayn karo marka la fiiriyo xukunkaan iyo go'aankii ay maxkamada sare gaartay markii lagu murmay doorashadii ugu dambaysay ee sannadkaan dalka ka dhacday, taasoo go'aankeeda uu aqbalay musharraxii laga guulaystay ee Raila Odinga.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya