4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 28, 2013
Tartan lagu Maamuusayo Maalmaha Xorriyadda Somalia ee 26-ka Juun iyo 01-da Luuliyo oo ka furmay Buuhoodle (SAWIRRO)


Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Tartan ciyaareed lagu maamuusayo m 26-ka Juun oo ahayd markii ay xoroobeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya iyo 01-da Luuliyo oo ahayd markii gobollada Koonfureed ay xoroobeen ayaa ka billowday garoonka Xabado ee magaalada Buuhoodle.

Ciyaarahan oo ay ka qayb-qaadanayaan toddoba kooxood oo ka mid ah kuwa heerka koowaad ee ka dhisan Gobolka Cayn ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyey mas’uuliyiinta ciyaaraha iyo ganacsatadii qaybta ka qaadatay in ciyaarahan ay qabsoomaan.

Mustafe Maxamed (Coon) oo ah guddoomiyaha ciyaaraha deegaanka Cayn ayaa sheegay in tartankan oo lagu maamuusayo maalmaha qiimaha badan ee xorriyadda dalka ay koob iyo abaalmarin ku guddoonsiin doonaan kooxda ku guulaysata.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Axmed Cabdi Gurey oo ganacsatada Buuhoodle ka mid ah, isagoo xusay in midnimada Soomaaliya ay tahay mid aan marna gorgortan geli karin, isagoo ugu baaqay dhincyada oo dhan inay ka shaqeeyaan midnimada Soomaaliya.

Tartankan ayaa waxaa suuro-geliyay laba nin oo ka mid ah aqoonyahanka deegaankaas oo lagu kala magcaabo, Axmed Faarax Hadhi iyo Axmed Cabdi Gurey waxaana la filayaa inuu soo gabagaboobo 01-da Luulyo oo ku beegan markii ay xornimada heleen gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Ciyaartii ugu horreysay ayaa waxaa isaga hor-yimid laba kooxood oo ka mid ah toddobada kooxood ee tartanka ka qayb qaadanaya kuwaasoo lagu kala magcaabo, Newstar iyo Togsol waxaanay kusoo dhamaatay barbarro.


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool