3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 28, 2013
Rag Miino aasaya oo la qabtay iyo Xaaladihii ugu danbeeyay ee magaalada Kismaayo



Jimco, June 28, 2013(HOL) :- Waxaa xalay xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo lagu qabtay laba nin oo la sheegay in ay walxaha qarxa ku aasayeen mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee mara xaafaddaasi sida ay HOL u xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee aagaasi.

Raggan ayaa la sheegay in xilligii la qabanayay ay Miino ku aasayeen meel aan sidaa uga fogeyn halkii ay shalay qaraxyada ka dhaceen, waxaana imika gacanta ku haya ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo aagaasi ku sugan.

“Laba nin ayay ahaayeen waxayna doonayeen in ay miino ku aasaan meel aan sidaa uga fogeyn wadadii ay shalay qaraxyada ka dhaceen, iyaga iyo qalabkii ay aasayeenba gacanta ayaa lagu dhigay waxaana wadnaa baaritaanno la xiriira arintaasi,” ayuu yiri COL Ismaaciil Koofi oo u waramay HOL.

Dhanka kale xaaladda magaalada Kismaayo ayaa saaka ah mid dagan walow ay jirto cabsi laga qabo in ay dagaallo dhacaan maadaama aan ilaa imika xal laga gaarin colaadihii u dhexeeyay dhinacyadii dhawaan ku dagaalamay magaalada ee kala taabacsanaa maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Col Barre Aadan Shire (Hiiraale), waxaana xalay oo dhan la maqlayay rasaas ay isweeydaarsanayeen labada ciidan ee kala taabacsan dhinacyadaasi.

Labadan ciidan ee ay xiisadaha u dhexeeyaan ayaa ku kala sugan gurigii hore ee gobolka ee loo yaqaan K2 oo imika ay dagantahay idaacadda Radio Kismaayo iyo Warshaddii hore ee Hilibka, waxaana labadan dhinac xalay ilaa shalay ay rasaas isku weydaarsanayeen wadada dheer ee laamiga ah, arintaasoo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku wada sugan ciidamo kala taabacsan siyaasiyiin iska soo horjeeda oo mid walba oo kamid ah uu ku andacoonayo in uu yahay madaxweeynaha runta ah ee Jubbaland, waxaana ammaanka magaalada uu noqday mid faraha ka baxay, iyadoona dadka reer Kismaayo ay rajo xumo ka muujinayaan xaaladda ammaan ee kasii dareeyso ee magaalada Kismaayo.

Dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada ayaa ilaa hadda inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay ku dhawaad ilaa iyo 14 qof, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen tiro intaasi ka badan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
6/28/2013 12:55 PM EST
Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday bankiga Barclays ee dalka Britain inuu ka laabto go’aanka uu ku xirayo xisaabaadka ay xawaaladaha Soomaalidu soo mariyaan lacagaha kusoo wajahan Soomaaliya.

6/28/2013 9:41 AM EST
Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeya ciidammo kala taageersan, Col. Barre Hiiraale, Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baalleey oo isku dhinac ah iyo kuwa Sheekh Axmed Madoobe ayaa ka qarxay magaalada Kismaayo.

6/28/2013 9:05 AM EST
Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Ciidamada Kenya eek a tirsan AMISOM ayaa maanta xabsiga dhigay abaanduulihii ciidamada xoogga dalka ee gobollada Jubbooyinka, Col. Cabbaas Ibraahim Gurey, iyadoo la sheegay in xariggiisa uu xiriirinayo dagaalkii dorraad ka dhacay magaaladaas.

6/28/2013 4:51 AM EST
Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu diiday in xildhibaanno iyo waxgarad shalay gaaray degmadaas uu Muqdisho u soo raaco.

6/28/2013 4:41 AM EST
Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Tartan ciyaareed lagu maamuusayo m 26-ka Juun oo ahayd markii ay xoroobeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya iyo 01-da Luuliyo oo ahayd markii gobollada Koonfureed ay xoroobeen ayaa ka billowday garoonka Xabado ee magaalada Buuhoodle.