4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2013
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Maanta booqasho ku yimid Muqdisho, lana kulmay Madaxweynaha (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna mas’uulka ugu sarreeya ee Qaramada Midoobay ee arrimaha siyaasadda, Jeffrey Feltman ayaa maanta booqasho ku yimid Muqdisho si uu u muujiyo in Qaramada Midoobay ay sii wadayso howlaha ay Soomaaliya ka hayso, kaddib markii dhawaan la weeraray xarunta UNDP ee Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay sii wadaan taageerada ay u fidiso dowladda iyo dadka Soomaaliyeed. Weerarkii lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay Toddobaadkii horena uusan niyad-jab ku keeni doonin.

Weerarkaas oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi, waxaa sidoo kale qaraxaas ku naf-waayay shacab fara badan.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Feltman ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Mahmuud, siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku waxyeelloobay weerarkii lagu qaaday toddobaadkii hore xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

“Waxaan waligeena laabta iyo maanka ku hayn doonaa shaqaalaheennii lagu dlay weerarkan naxariis darrada ah, xusuustanna waa mid xoojinaya go’aan aan ku gaarnay inaan kasii shaqeyno Soomaaliya. Qaramada Midoobay lama cabsi-gelin doono, waxaana naga go’an inaan joogno oo aan la Soomaaliya kasii shaqeynno si ay dadka Soomaaliyeed u gaaraan mustaqbal ifaya,” ayuu yiri kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Feltman oo shaqaalaha UN-ka ee jooga Soomaaliya la hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Waxaan aad iyo aad ugu faanaynaa qof kasta oo idin ka mid ah, waan idin kugu ammaanayaa geesinimadiinna iyo hawl-jeceylkiinna.”

  

Sidoo kale, kaaliyuhu wuxuu ka hadlay amniga iyo tallaabooyinka loo qaaday bad-baadinta hawlgallada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay Soomaaliya ka shaqeynayeen 22-kii sano ee colaaduhu dalka ka jireen ayna howlahaas sii wadayaan iyagoo aan wax cabsi ah qabin.

“Qaramada Midoobay waxay halkan u joogtaa inay dalka kaalmeyso ayna u fidiso taageero muhim ah, waxaana hadda maraynaa xilligii ugu fiicnaa ee soo marnay 20-kii sanno ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Feltman hadalkiisa ku soo gabgabeeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isaguna ka hadlay imaatinka kaaliyaha ayaa ku sheegay mid muujinaysan in Muqdisho ay ka jirto nabad, wuxuuna hadal uu jeediyay ku sheegay in imaanshihiisa uu dowladda macno weyn ugu fadhiyo.

“Dowladdu aad bay u soo dhaweyneysaa booqashadan Mr Feltman oo macno weyn ku fadhida, tusineysana sida ay Qaramada Midoobay u garab-taagan yihiin kaddib weerarkii 19-kii Juun ay Al-shabaab ku qaadday xaurnta UN-ka ee Muqdisho. Ujeeddada Al-Shabaab waa inay argagax-geliyaan shacabka Soomaaliyeed iyo shaqaalaha UN-ka oo u yimid Soomaaliya inay shacabka saacidaan. Hase ahaatee, booqashadan waa calaamad xooggan oo tusinaysa Al-Shabaab inaysan marnaba gaari karin ujeeddooyinkooda argagaxa ah,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Mr Feltham booqashiisa Muqdisho oo ah tii labaab oo sannadkan gudihiisa uu ku yimaado dalka, isagoo warbixin kooban ka siiyay Mr Feltman horumarka dowladda Soomaaliya ay gaartay ee dhanka siyaasadda, amniga, hay’adda cusub ee UNSOM iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

“Qaraxii iyo weerarkii loo geystay xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho waxuu na tusayaa sida ay Al-Shabaab uga go’an tahay inay shacabka iyo dadka aan wax-galabsanba u laayaan, hase ahaatee awood ayaan taas ka qaadaynaa waana ku midoobaynaa inaan sii wadno la dagaalanka kooxaha argagaxisada. Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya ayaa si deg-deg ah u soo gurmaday badbaadiyayna nolol badan. Hase ahaatee waxaan weli u baahan nahay kaalmada caalamiga ah si aan dib ugu dhisno hay’adaha kala duwan ee ammaanka iyo kala-danbeyntii dalka,” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay weerarkii lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay intii uu kaaliyuhu ku sugnaa Muqdisho, iyadoo la xiray waddooyinka soo gala xarunta AMISOM ee Muqdisho iyo weliba garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya