4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2013
Baarlamaanka Puntland oo Maanta su'aalo weydiiyay Wasiirada Maaliyadda iyo Dekedaha ee Maamulka Puntland


Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Puntland oo magaalada Garoowe uu uga socodo kal-fadhigoodii 30-aad ayaa maanta su'aalo weydiiyey Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Siciid Maxamed Raage iyo Wasiirka Maaliyadda Faarax Cali Shire.

Su'aalaha ay mudanayaasha baarlamaanku weydiiyeen labada wasiir  ayaa dhamaantood ahaa kuwo khuseeya sababta ay dowladda Puntland u joojisey shidaalkii ay ganacsatada yar yar ee Puntland kala imaan jireen dalka Yemen.

Xildhibaanada soo xaadiray fadhiga Baarlamaanka ee maanta oo ay tiradoodu dhameyd 42-mudane, ayaa labada wasiir weydiiyey su'aalo badan oo ay ugu muhiimsaneyd in ay si cad u qeexaan sababta ka danbeysa mamnuucista shidaalka dalka Yemen.

Wasiirka Maaliyadda Faarax Cali Shire, oo isagu hadalka ku horeeyey ayaa sheegay in dowladdu ay u mamnuucday shidaalka dalka Yemen arimo la xiriira dhanka ammaanka. Wasiir Faarax ayaa tilmaamay in muddooyinkii u danbeeyey xaaladda dalkaasi ay ahayd mid aan xasilooneyn, sidaas darteedna ay suurto gal tahay in doomaha shidaalka soo qaadaya -oo intooda badan ah kuwo yar yar oo aan sharciyeysneyn- lagu soo qariyo hub u socda xoogag ay kamid tahay xarakada Al-shabaab.

Wasiirka Dekedaha Siciid Maxamed Raage ayaa isna dhankiisa sheegay in sababta ay dowladdu shidaalkaas u joojisey ay tahay mid maslaxadda shacabku ay ku jirto, balse aan ujeedo kale laga lahayn. Wasiir Raage oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu danbeyntii xusay in Puntland aysan marna ogolaan doonin in dekedaheeda laga soo dejiyo badeecooyin aysan raali ka ahayn.

Bishii Janaayo ee lasoo dhaafay 24-teedii ayaa wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, waxaa lagu joojiyey gebi ahaanba shidaalkii laga soo dhoofin jirey dalka Yemen.

Ganacsatada Puntland - gaar ahaan kuwa uu amarkani sida gaarka ah u taabanayo- ayaa si kulul uga jawaabey wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha, waxayna dalbadeen in dowladdu ay caddeysto sababta ay tallaabadaas u qaaday, iyagoo dhowr mar oo horena shaqo joojin sameeyey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya