3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2013
Munaasabad lagu Maamuusayay Maalinta Xorriyada Jabuuti oo Maanta lagu Qabtay Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay laguna maamuusayay sanad-guuradii 36 ee ka soo wareegtay markii ay shacabka reer Jabuuti ka xorroobeen gumeytihii Faransiiska 27 Juun sanadkii 1977 ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baladweyne.

Munaasabada oo lagu qabtay faraagaha ama garoonka Lama-galaay ayaa waxaa ka soo qeyb-gallay wafdi ka socda dowladda federaalka oo uu horkacayo wasiirrka difaaca xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max'uud Fiqi, xildhibaano, safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Rooble, mas'uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM,  odayasha dhaqanka, bahda Isboortiga, iyo xubno kale oo lagu marti-qaaday munaasabada.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ka hadllay munaasabada ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay maanta in magaalada Baladweyne loogu dabaal-dago xuska munaasabada 36 sano guuradii ka soo wareegtay maalintii ay shacabka reer Jabuuti ka xorroobeen gumeystihii Faransiiska, isaga oo sheegay in xorrnimadaas aysan aheyn mid cayaar ku timid laakiin dhiig badan loo daadiyay.

“Maanta annaga ka maamul ahaan iyo shacabka reer Hiiraan waxaa faraxad gaar ah inoo ah in aynu kula dabaal-dagno magaalada Baladweyn walaalaha Jabuuti, oo si bar bar taag dhab ah u muujiyay umadda Soomaaliyeed, si gaar ah shacabka reer Hiiraan waxaa ay u xasuusan doonaan ciidamada ka socda dowladda Jabuuti gacan weyn ka geystay isbadalka maanta ka jira gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Waxaa uu ku amaanay madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle sida uu mar walba u bar bar taagnaa shacabka Soomaaliyeed oo soo maray xili adag isaga sheegay in marnaba uusan dhinac uga leexan sidii Soomaaliya looga hergalin lahaa nabad iyo dowladnimo taam ah, waxaana uu intaa ku darray in dadaalkii madaxweynaha Jabuuti uu mari dhalay maanta ay dalka ay ka jirto dowlad rasmi ah oo aan ku-meel-gaar aheyn.

Safiirka dowladda Jabuuti Dayib Dubad Rooble oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne u muujiyeen ciidamada Jabuuti wada shaqeyn dhab ah, waxaana uu sheegay in wada shaqeynta labada dhinac ay sabab u noqotay si wada jir ah in loogu dabaal-dago munaasabada 27-ka Juun oo ku beegan maalinta xorriyada dalka Jabuuti.

“Waxaan rabaan in aan idin soo gaarsiiyo salaan aan idinka wado madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo runtii si dhaw ula socda xaalada gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Baladweyne, waxaana uu idin rajeynayaan nabad,'' ayuu yiri safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

Safiirka ayaa dhinaca kale amaan u jeediyay bahda Isbooriga gobolka, gaar ahaan kooxihii ku loomayay tartankii ku soo dhamaaday magaalada Baladweyne, isaga oo sheegay in ay qorsheynayaan sidii cayaartooy ka socta magaalada Baladweyne u tagi lahaayeen dalka Jabuuti si ay wada cayaaraan kooxaha kubada cagta ee halkaa ka dhisan.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan Col Cismaan Dubad oo ka hadllay munaasabada ayaa sheegay dhinaciisa in maanta faraxweyn u tahay ciidamada Jabuuti iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan in ay si wada jir ah ugu dabaal-dagaan magaalada Baladweyne.

“Maanta waa maalin faraxweyn inoo ah, waa maalin ciid ah, waa maalin si wada jir ah dhamaanteen aan ugu wada dabaal-dageyno 27 Juun oo ah maalintii ay xorroobeen shacabka Jabuuti, waxaan runtii siweyn uga faraxsanahay sida quruxda badan leh oo ay munaasabada noogu dhacday iyo wajiyada quruxda badan ee halkan inooga muuqada,'' ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Waxaa uu goobta ka sheegay taliyaha ciidamada Jabuuti Col Cismaan Dubad in Jabuuti ugu talagashay lacag dhan $ 100,000 doolar dib u dhiska xerada Lama-galaay ee maanta munaasabad lagu qabtay, isaga oo intaa ku darray in lacagtaas tahay  mid ay iska soo ururiyeen ciidamada dowladda Jabuuti ee sugan gobolka Hiiraan.

Wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji  Max'uud Fiqi oo ka hadllay munaasabada ayaa ku dheeraaday amaan uu jeedinayay ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM gaar ahaan sida ay xoogga u saareen nabad ku soo celinta magaalada Baladweyne.



Wasiirrka gaashaandhiga sidoo kale waxaa uu ku dhawaaqay ama uu goobta ka sheegay in maalmaha nagu soo foolka leh sida uu hadalka u dhigay laga saari doono qeybaha ay kaga sugan yihiin gobolka xoogagga Al-shabaab.

“Waxaan rabaa in aan halkan uga dhawaaqo in ciidamada xoogga dalka ee ku sugan magaalada Baladweyne oo kaashanaya ciidamada kale ee na caawinaya dhawaan u dhaqaaqi doonaan deegaannada kale ee gacanta ugu jira Al-shabaab,'' ayuu yiri wasiirka difaaca xukuumada Soomaaliya.

Munaasabada oo aheyd mid siweyn loo soo agaasimay ayaa abaal-marino kala duwan lagu gudoonsiiyay kooxihii ka qeyb-gallay tartankii kubada cagta ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Baladweyne, iyaga oo halkaa isku gacan qaaday cayaartooyadii ka qeyb-gashay tartanka iyo mas'uuliyiintii munaasabada ka soo qeyb-gashay.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
6/27/2013 2:10 PM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Xaflad lagu maamuusaayay 26-ka Juun oo ahayd markii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ayaa xalay lagu qabtay magalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

6/27/2013 1:25 PM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna mas’uulka ugu sarreeya ee Qaramada Midoobay ee arrimaha siyaasadda, Jeffrey Feltman ayaa maanta booqasho ku yimid Muqdisho si uu u muujiyo in Qaramada Midoobay ay sii wadayso howlaha ay Soomaaliya ka hayso, kaddib markii dhawaan la weeraray xarunta UNDP ee Muqdisho.

6/27/2013 1:19 PM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Puntland oo magaalada Garoowe uu uga socodo kal-fadhigoodii 30-aad ayaa maanta su'aalo weydiiyey Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Siciid Maxamed Raage iyo Wasiirka Maaliyadda Faarax Cali Shire.

6/27/2013 9:34 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Afhyeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, Maxamed Cumar Hagafeey ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu culeys ku yahay deegaankooda iyo deegaannada ku dhow-dhow iyagoo taas ka duulayana ay dowladda Soomaaliya ka dalbadeen inay arrinta Sheekh Xasan Daahir kala hadasho.

6/27/2013 9:11 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Munaasibadda loogu dabaaldegayo sanad guuradda 53aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xoriyadda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa

6/27/2013 8:11 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Xarunta Jaamacada Banaadir ee Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay shalay oo Arbaco ahayd kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo dhakhaatiir ka socotay isbitaalka Global ee dalka Hindiya ay u qabteen qaar ka mid ah ardayda jaamacaddaas.

6/27/2013 7:38 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dalka Norway oo uu hoggaaminaay wasiirka horumarinta iyo xiriirka Caalamiga ah ee Norway, Heikki Holmes.

6/27/2013 6:53 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowladda Soomaaliya, odayaal iyo xubno kale oo uu hoggaaminayay Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

6/27/2013 3:06 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Gaari ay wateen ciidamada Sierra Leone ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa qaraxyo miino lagula eegtay maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay jirto xiisad u dhexeysa dhinacyadii shalay ku dagaalamay magaaladaas.

6/27/2013 3:05 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay joogitaanka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa xubnihii sar-sare ee Al-shabaab oo dhawaan kasoo goostay ee degmada Cadaado oo ah xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.