12/15/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2013
Dowladda Soomaaliya iyo Norway oo Heshiis Dublamaasiyadeed Maanta ku kala saxiixday Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)



Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dalka Norway oo uu hoggaaminaay wasiirka horumarinta iyo xiriirka Caalamiga ah  ee Norway, Heikki Holmes.

Kulankan waxaa goob-joog ka ahaa wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka maaliyadda, Maxamud Xasan Suleyman iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha iyo wasiirka Norway ayaa waxay kawada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii Norway ay uga qeyb-qaadan lahayd dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiirka Norway iyo wasiiradda arrimaha dibadda Somalia ayaa warbaahinta hortooda ku kala saxiixday heshiis lagu soo celinayo xiriirkii labada dal horay uga dhexeeyay iyo inay iskaashi kawada yeesheen dib-u-dhiska Soomaaliya.

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in Mr. Holmes uu yimaado Muqdisho, waxayna tani tusaale u tahay sida dalka Norway ay uga go’an tahay in xiriirkii labada dal lasoo nooleeyo oo heshiiskii maanta uu calaamad u yahay in Soomaaliya ay maanta si siman heshiisyo caalami ah ula saxiixato dalalka horay u maray. Waxaan kaloo uga mahadcelinaynaa Norway geesinimada dheeraadka ah oo ay si toos ah ula shaqeyneyso dowladda oo ay si toos ah ugu soo gubinayaan kaalmadooda ku wajahan dib-u-dhiska dalka” ayuu shir jaraa’id ka yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynahu waxuu ka codsaday beesha caalamka inay ku daydaan Norway oo ay si toos ah ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya si ay u sahlanaato in adeegyada bulshada loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah ee Nowray oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in heshiis noocan oo kale ah uu la saxiixdo Soomaaliya, isagoo ballanqaaday in dalkiisu uu kaalin mug leh ku yeelan doono dib u dhiska Soomaaliya.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya










Click here
6/27/2013 2:10 PM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Xaflad lagu maamuusaayay 26-ka Juun oo ahayd markii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ayaa xalay lagu qabtay magalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

6/27/2013 1:25 PM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna mas’uulka ugu sarreeya ee Qaramada Midoobay ee arrimaha siyaasadda, Jeffrey Feltman ayaa maanta booqasho ku yimid Muqdisho si uu u muujiyo in Qaramada Midoobay ay sii wadayso howlaha ay Soomaaliya ka hayso, kaddib markii dhawaan la weeraray xarunta UNDP ee Muqdisho.

6/27/2013 1:19 PM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Puntland oo magaalada Garoowe uu uga socodo kal-fadhigoodii 30-aad ayaa maanta su'aalo weydiiyey Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Siciid Maxamed Raage iyo Wasiirka Maaliyadda Faarax Cali Shire.

6/27/2013 10:05 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay laguna maamuusayay sanad-guuradii 36 ee ka soo wareegtay markii ay shacabka reer Jabuuti ka xorroobeen gumeytihii Faransiiska 27 Juun sanadkii 1977 ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baladweyne.

6/27/2013 9:34 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Afhyeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, Maxamed Cumar Hagafeey ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu culeys ku yahay deegaankooda iyo deegaannada ku dhow-dhow iyagoo taas ka duulayana ay dowladda Soomaaliya ka dalbadeen inay arrinta Sheekh Xasan Daahir kala hadasho.

6/27/2013 9:11 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Munaasibadda loogu dabaaldegayo sanad guuradda 53aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xoriyadda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa

6/27/2013 8:11 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Xarunta Jaamacada Banaadir ee Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay shalay oo Arbaco ahayd kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo dhakhaatiir ka socotay isbitaalka Global ee dalka Hindiya ay u qabteen qaar ka mid ah ardayda jaamacaddaas.

6/27/2013 6:53 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowladda Soomaaliya, odayaal iyo xubno kale oo uu hoggaaminayay Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

6/27/2013 3:06 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Gaari ay wateen ciidamada Sierra Leone ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa qaraxyo miino lagula eegtay maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay jirto xiisad u dhexeysa dhinacyadii shalay ku dagaalamay magaaladaas.

6/27/2013 3:05 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay joogitaanka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa xubnihii sar-sare ee Al-shabaab oo dhawaan kasoo goostay ee degmada Cadaado oo ah xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.