4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
UNSOM iyo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee (GOS) oo Muqdisho kulan ku yeeshay, arrimo muhiim ahna kawada hadlay


Arbaco, June 26, 2013(HOL)— Xoghayaha guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Ahmed Faarax ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobi u qaabilsan arrimaha Soomaaliya mudane Nicholas Kay waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in ciidammada laga saaro Tuulada Isboortiga ee Muqdisho iyo in Qarammada Midoobay Isboortiga u adeegsato qeyb ka mida nabadeynta Soomaaliya.

 

“Maanta waxaa guddiga Olombikada Soomaaliyeed uu la kulmay ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabisan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo ay ugu muhiimsan tahay waxyaabihii aan ka hadalnay in Qaramada midoobay ahmiyad weyn siiso kaalinta hey’adaha Isboortiga ee nabadeynta dalka maadaama isboortigu uu yahay waxa keliya ee isu keeni kara umada waxaana sharaxaad ka siinay qaabka ay howlaha isboortigu dalka uga soconayaan iyo doorka uu Isboortigu nabada kasoo qaatay”ayuu saxaafada u sheegay xoghayaha guud ee GOS Duran Axmed faarax kadib kulankii uu maanta la yeeshay Mr. Nicholas Kay.

 

Waxaa uu Mr Duran hordhigay sarkaalkan ka socday Qaramada midoobay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la helo qalab iyo goobo lagu cayaaro isboortiga oo ay ka mid tahay in gacanta heysa’adaha isboortiga dalka lagusoo celiyo 12 garoon oo heer caalami ah oo ku yaala tuulada isboortiga Muqdisho kuwaas oo hada ay dagan tahay AMISOM.

 

“Maadaama uu isboortigu ka madax bannaan yahay siyaasad, ciidan IWM yaan islasoo qaadanay sida ay muhiimka u tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada looga saaro tuulada Isboortiga ee Muqdisho, waxaana u sheegnay in maanta oo goobihii isboortiaga ee dalku bur bursan yihiin hadana ay wax aan la qadan Karin tahay in ciidamo lagu xareeyo xili isboortigu arrimo ciidan iyio kuwo siyaasad uusan shuqul ku lahayn”ayuu yiri Mr Duran faarax xoghayaha guud ee GOS.

 

Waxaa uu xoghayaha oo saxaafada la hadlay sheegay in Kaaliyaha xoghayaha guud ee UN-ka ee arrimaha Soomaaliya Mr Nicholas Kay uu aad usoo dhaweeyay fikrada ah in ciidamada laga saaro xarumaha Isboortiga, isagoo ballan ku qaaday in uu gacan weyn ka geysan doono sidii dhaqso ciidamada looga saari lahaa Tuulada Isboortiga ee Mqudisho oo ka kooban 12 garoon oo heer caalami ah laakin hada aad u bur buray una baahan dib u dhis xoogan.

 

“Saraakiisha AMISOM iyo madaxda dowlada Soomaaliya ayaan kala hadli doonaa in ay ciidamada meelo kale geystaan, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaana arrintaas u guda galayaa maadama ay muhiim tahay in hey’adaha Isboortigu dib u hantaan dhulalkooda” ayuu Mr. Nicholas Kay u sheegay Xohghayaha guud ee GOS Mr Duraan Axmed faarax oo kulankiisa ay ku wehlinayeen guddoomiye ku xigeenka GOS Ibraahim Shaamow iyo odayaal kale.

 

Shaafici Muxuyadiin

[email protected]