4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Dagaalkii ka qarxay Kismaayo oo si iskiis ah u joogsaday iyo xiisado weli ka dhex-taagan dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay


Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Dagaalkii maanta ka qarxay Kismaayo ayaa si iskiis ah u joogsaday marqibnimadii caawa iyadoo weli magaalada ay ka jiraan xiisado colaadeed oo u dhexeeyay dhinacyadii dagaalamay.

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof oo mid ka mid ah uu yahay shacabka halka saddexda kalena ay yihiin dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay.

Maleeshiyooyinka dagaalamay ayaa waxay kala taageersan yihiin Col. Barre Aadan Shire Hiiraale iyo maamulka Axmed Madoobe, waxaana la sheegayaa in ciidamadu ay hadda ka fogaadeen goobihii ay ku dagaalameen, balse ay weli jirto xiisad kacsanaan ah.

Goobjooge ku sugan Kismaayo ayaa HOL u sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus ayna magaalada qaybo ka mid ah ku dhaceen madaafiic ay dhinacyadu isku adeegsanayeen, inkastoo aysan jirin khasaare ay geysteen.

Isbitaalka Kismaayo ayaa la dhigay dhaawacyada dad ka badan shan qof oo intooda badan ay ahaayeen shacab ku dhaawacmay rasaasta ay dhinacyadu isku adeegsanayaan, iyadoo sidoo kalena xarunta gobolka oo xarun u ahayd idaacadda Kismaayo ay ciidamada dagaalamay qaarkood saldhig ka dhigteen inkastoo ay idaacaddu weli hawada ku jirto.

“Xiisadddu weli waa taagan tahay, marka lama dhihi karo dagaalku si toos ah ayuu u joogsaday, waayo ma jirto cid ku dhex-jirta, waxaana baqdin laga qabaa inay dagaallo kale ka dhacaan magaalada,” ayay HOL u sheegtay mid ka mid ah haweenka daggan Kismaayo.

Sidoo kale, haweeneydan waxay sheegtay in magaalada oo dhan ay faaruq tahay oo ay ku sugan oo keliya ciidamadii iska soo horjeeday oo ku hadda ku kala sugan saldhigyadooda, cabsi weynna ay jirto.

Dagaalkan ayaa ka billowday gaadiid la kala dhacay, iyadoo mas’uuliyiinta ay kala taageersan yihiin labadan ciidan aysan ka hadlin dagaalka iyo wixii uu geystay oo khasaare ah.

Ma jirto wax waan-waan ah oo socda si dagaalka loo joojiyo, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa colaadaha tan iyo billowgii bishan ka taagnaa gudaha magaalada Kismaayo oo ay horay ugu dagaalameen taageerayaasha Sheekh Axmed Madoobe iyo kuwa Iftin Xasan Baasto oo ku murmay xilka hoggaamineed ee maamulka Jubaland oo bishii May looga dhawaaqay magaaladaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya