4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Deeq-bixiyeyasha kalana hadlay hadlay heshiiska New Deal (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maanta si rasmi ah u furay kulankii guddi hoosaadka heshiiska caalamka ee loo yaqaano New Deal ayaa muujiyay sida weyn ee loogu han-weyn yahay shirka Brussels ee qorshahan lagu fariisin doono.

"Waxaan aad ugu qanacsanahay inaan is-faham buuxa la yeelano caalamka intiisa doonaysa inay gacan naga siiyaan dib-u dhiska iyo horumarka dalka. Waa mid aan hormuud ka nahay noona ogolaanaya inaan baahideena si toos ah ugu gudbinno, sida aan rabnana naloo taageero," ayuu yiri Saacid oo ka jeediya hadal kulankii maanta uu la yeeshay hawl-wadeenada heshiiska lagu taageerayo Soomaaliya ee New Deal.

Nick Westcott oo ah Agaasimaha Midowga Yurub ee arrimaha Bariga Africa oo shirka ka hadlay ayaa isna sheegay in weli laga shaqaynayo heshiiskii ay Soomaaliya iyo bulshada caalmku galeen ee lagu doonayo in Soomaaliya lagu taakuleeyo. Waana hawl-socon doonta inta laga gaarayo 16-ka bisha Sebtembar ee  sannadkan oo Brussels lagu qaban doono shir lagu caawinayo Soomaaliya. Agaasimaha ayaa intaas raaciyay in qorshahani uu yahay mid Soomaalida lagu garab-qabanayo una suuro-galinaya inay ka guul-gaaraan qorshohooda Qaran.

Dhanka kale, waxaa isna arrrinta ka hadlay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Kay oo qorshahan ku tilmaamay mid xoojinaya xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo bulshada caalamka. Wuxuuna dowladda Somalia ugu baaaqaay inay la timaado baarnaamij dhameystiran ee dhinacyada dib-u dhis iyo horumar dalka.

Ra'iisul wasaaraha ayaa ugu dambeyn sheegay inay xukuummaddiisu ay ku kalsoon tahay qorshaha New Deal ayna dooonayso siday u heli lahayd habka ugu sahlan ee caalamku gacan uga siin karo qorsha dowliga ah. Waxaana uu xusay inay shacabka iyo dowladduba aad ugu han-weyn yihiin heshiiskan oo ah qodobadiisa wax-tarka leh lagu wado inay kasoo baxaan shirka Brussels.

Kulanka dhexmaray deeq-bixiyeyaasha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta AMISOM ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee Xalane, iyadoo shirkan ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socday beesha caalamka.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya