4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan oo Shacabka Gobolkaas ku nool u diray Hambalyo ku Aaddan 26-ka Juun

Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa u dirray shacabka Soomaaliyeed hambalyo ku aadan 53 sano guuradii ka soo wareegtay markii ay gobollada W/qooyi ee Soomaaliya ka xorroobeen gumeystihii Ingariiska, islamarkaana la taagay ama la surray calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta oo kale 26ka Juun 1960 xusuus gaar ah u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii waqtigaa joogay, isaga oo sheegay in looga baahan yahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay maamusaan maalintan qiimaha badan leh.

“'Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay hanbalyo, gaar ahaan bulshada ku shacabka ku dhaqan W/qooyiga Soomaaliya oo xusuus gaar ah ay u leedahay 26ka Juun,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay ciidamada xoogga dalka ee  ku sugan magaalada Baladweyne in ay ka shaqeeyaa nabad-galyada gobolka guud ahaan gaar ahaan magaalada Baladweyne, isaga oo dhinaca kalana shacabka ugu baaqay in ay ciidamada ku gacan siiyaan sugida amniga.

Magaalada Baladweyne waxaa ku sugan mas'uuliyiin uu horkacayo wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya, waxaana ka mid ah safiirka dowladda Jabuuti kuwaa oo u jooga magaalada Baladweyne ka qeyb-galka dabaal-daga munaasabada 27-ka Juun oo ah markii ay ka xorroobeen gumeystihii Faransiiska shacabka Jabuuti iyo 01-da Luulyo oo si weyn looga diyaar garoobayo magaalada Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu arkayaa gadiid lagu soo xiray cod baahiyaal ay ka baxayaan heeso wadani ah oo dadka lagu guubaaninayo in ay ka qeyb-qaataan dabaal-daga maalmaha qiimaha gaarka ah u leh dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya