3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Dagaal u dhexeeya Kooxo Hubeysan oo ka Qarxay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Goboleedka Jubbada Hoose

Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Dagaal culus ayaa goor-dhow ka qarxay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaasoo u dhexeeya maleeshiyooyin magaalada kuwada sugan, iyadoo ay xirmeen guud ahaan isku socodkii magaalada iyo ganacsigii.

Maleeshiyinka dagaalamaya ayaa wuxuu dagaalkoodu ka billowday gaari saakay lagu dhacay magaalada gudaheeda, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus iyo mid fudud.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa HOL u sheegay in dagaalku uu ka qarxay xaruntii hore Kismaayo oo ku taalla xaafadda Farjanno ee bartamaha magaalada, uuna ku faafayo qaybo kale oo magaalada ka tirsan.

“Kismaayo waxaa ka billowday dagaal culus oo u dhexeeya kooxo maleeshiyo ah oo kuwada sugan magaalada, ganacsiga oo dhan waa xirmay, isku socodka dadka iyo gaadiidkana way joogadeen, madaafiic ayaana dhacaysa,” ayuu HOL u sheegay goobjooge ku sugan Kismaayo.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo uu dagaalkan dhaliyay iyadoo dadka ku sugan magaalada ay sheegayaan in marba marka ka dambeysa uu sii xoogeysanayo.

Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan saldhigyadoda, mana jiraan wax waan-waan ah oo lagu qaboojinayo dagaalkan oo ka socda magaalada, dadkuna waxay ku sugan yihiin guryahooda.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa tan iyo markii uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba xubnood oo isku haysta xilka madaxweynenimo ee Jubaland waxaa ka jiray xiisado, iyadoo mararka qaarkoodna ay dhacayeen dagaallo noocan oo kale ah.

Wixii kusoo kordha dagaalkan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe ee soo socda haddii uu Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/26/2013 3:46 PM EST
Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlayay caawa xaflad lagu xusayo 53-sano guuradii kasoo wareegtay markii gobollada waqooyiga ee Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeysigii Ingiriiska oo ka dhacaysa madxtooyada Somaliland ayaa sheegay in gooni-isku-taagga Somaliland uu ku yimid rabitaanka shacabka oo aan laga laaban karin.

6/26/2013 1:55 PM EST
Arbaco, June 26, 2013(HOL)— Xoghayaha guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Ahmed Faarax ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in ciidamada laga saaro Tuulada Isboortiga ee Muqdisho iyo in Qaramada Midoobay Isbortiga u adeegsado qeyb ka mida nabadeynta Soomaaliya.

6/26/2013 12:36 PM EST
Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Dagaalkii maanta ka qarxay Kismaayo ayaa si iskiis ah u joogsaday marqibnimadii caawa iyadoo weli magaalada ay ka jiraan xiisado colaadeed oo u dhexeeyay dhinacyadii dagaalamay.

6/26/2013 12:09 PM EST
Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay yeelato lacag ka duwan midda hadda la isticmaalo si ay uga baxdo ciriiriga dhaqaale haysta, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ha’yadda lacagta adduunka ee IMF oo ka mid ahaa saraakiil Nairobi kula kulmay mas’uuliyiin Soomaali ah.

6/26/2013 11:33 AM EST
Soomaalida ku nool dalka Kenya oo markii hore ganacsiyadoodu u badnaayeen magaalada Nairobi, gaar ahaanna xaafada Islii ayaa haatan aad moodaa inay aad u maalgashayaan magaalada Mombasa ee gobolka xeebta ah ee Kenya.

6/26/2013 11:19 AM EST
Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo maanta xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay wafdi ka socday Midowga Yurub ayaa sheegay in shirka Brussels lagu qaban doono 16-ka bisha September ee sannadkan 2013 uu muhiimad weyn u leeyahay Soomaaliya.

6/26/2013 11:19 AM EST
Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maanta si rasmi ah u furay kulankii guddi hoosaadka heshiiska caalamka ee loo yaqaano New Deal ayaa muujiyay sida weyn ee loogu han-weyn yahay shirka Brussels ee qorshahan lagu fariisin doono.

6/26/2013 9:37 AM EST
Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed uu cinwaankiisu ahaa “Fluid movement across capillary membrane from bench side to bedside” oo lagu sharxay sida ay dareerayaashu ugu dhaqaaqaan gudaha jirka aadanaha iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka ayaa maanta lugu qabtay hoolka siminaarrada ee Jaamacadda Jamhuriya of science and technology (JUST) ee magaalada Muqdisho.

6/26/2013 8:49 AM EST
Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa u dirray shacabka Soomaaliyeed hambalyo ku aadan 53 sano guuradii ka soo wareegtay markii ay gobollada W/qooyi ee Soomaaliya ka xorroobeen gumeystihii Ingariiska, islamarkaana la taagay ama la surray calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

6/26/2013 8:41 AM EST
Dalka Kenya oo ay ku noolyihiin boqollaal kun oo Soomaali ah ayaa laga dareemayaa diyaar garow loogu jiro xuska maalinta 1-da Luuliyo oo ah markii ay gobollada koonfureed ee Soomaaliya ay xoreebeen isla markaana ay isku biireen waqooyiga iyo koonfurta.

6/26/2013 8:22 AM EST
Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay Somaliland u sameynayaan wax walba oo la awoodi karo oo tanaasul ah si loo helo Soomaaliya oo mid ah, kaddib hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay 26-ka Juun oo xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

6/26/2013 8:02 AM EST
Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Wafdiga uu horkacayo wasiirrka difaaca xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max'uud Fiqi, safiirka dowladda Jabuuti, mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo dadweyne isaga kala yimid xaafadaha magaalada Baladweyne ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay ka wada qeyb-gallay daawashada gabadbada tartanka kubada cagta oo maalmihii ugu danbeeyay ka soconayay magaalada Baladweyne.

6/26/2013 7:00 AM EST
Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maalmo ka hor ka goostay Al-shabaab ayaa kulammo kula leh degmada Cadaado ee gobolka Galguduud mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb oo ay degmadaas xarun u tahay.

6/26/2013 3:54 AM EST
Talaado, Juun 26, 2013 (HOL) — Marka la gaaro dabayaaqada bisha Juun ee sanad walba waxaa lagu qabtaa Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ay Soomaali fara badan deggen yihiin tartammo isboorti oo lagu xusayo maalmaha xoriyada Soomaaliyeed.

6/26/2013 2:33 AM EST
Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Mudanaasabad lagu xusayay maalintii xorriyadda gobollada waqooyi ee Soomaaliya oo ku beegnayd 26-ka Juun, 1960-kii ayaa xalay lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya, taas oo ay kasoo qaybgaleen mas'uuliyiinta dowladda iyo dadweyne kale oo fara badan.

6/26/2013 12:49 AM EST
Arbaco, June 26, 2013(HOL) :- Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa shaaciyay in xalay saqdii dhexe uu isu soo dhiibay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xubin ka ahaa ururka Al-shabaab islamarkaana hore u hogaamin jiray ururkii burburay ee la magac baxay Xizbul Islaam.