4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2013
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Degmada Cadaado kulan Albaabadu u xiran yihiin kula Mas'uuliyiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb

Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maalmo ka hor ka goostay Al-shabaab ayaa kulammo kula leh degmada Cadaado ee gobolka Galguduud mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb oo ay degmadaas xarun u tahay.

Kulankan ayaa la sheegay inay ka qaybgalayaan madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb iyo mas’uuliyiin kale oo maamulkaas ka tirsan iyo xubno la socda Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Saxaafadda ayaa loo diiday in kulankaas ay ka qaybgasho, si dhab ahna looma oga waxyaabaha ay kawada hadlayaan, waxaana kulankan uu kusoo beegmayaa iyadoo saakay ay degmadaas tageen Sheekh Xasan Daahir iyo xubno Al-shabaab ka tirsanaa oo la socda.

Mas’uuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa warfidiyeenka u sheegay inay shir jaraa’id wada qaban doonaan kulanka kaddib madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys, kaasoo ay ku faahfaahin doonaan waxyaabihii ay kulankooda uga hadleen.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa saakay VOA-da u sheegay inay gacanta ku dhigeen Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno la socday oo ka soo goostay dhawaan degmada Baraawe oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Lama oga mowqifka dhabka ah ee Sheekh Xasan Daahir Aweys uu kaga soo goostay Al-shabaab iyo waxyaabaha uu damacsan yahay, waxaase tegistiisa degmada Cadaado ka hadlay maamullada Ahlusunna iyo Galmudug oo ka taliya qaybo ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa arrintan ku tilmaamay mid lala yaabo, isagoo xusay inay arki doonaan waxyabaaha uu la yimaado Sheekh Xasan Daahir.

Dhanka kale, mas’uul u hadlay maamulka Ahlusunna ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Sheekh Xasan Daahir lagu soo dhaweeyo deegaanno ka tisran gobollada dhexe, iyagoo sheegay inuu weli ka tirsan yahay Al-shabaab oo uu doonayo inuu fidno ka abuuro gobollada dhexe ee Soomaaliya, isagoo Ximan iyo Xeeb ku eedeeyay inay gabbaad siinayaan hoggaamiye kooxeed doonaya dhibaato ku haya ummadda Soomaaliyeed.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaan saxaafadda la hadlin tan iyo markii uu ka soo goostay degmada Baraawe oo ay ka taliso Al-shabaab, iyadoo sidoo kale Al-shabaab ay sheegeen inuu ka goostay Sheekhaas oo ka tirsanaa madaxda ururkaas iyo xubno taageerayaashiisa ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya