4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2013
Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Degmada Baydhabo oo cunnadii uga soomay garsoor la'aan ay Tirsanayaan

Talaado, Juun 25, 2013 (HOL) — Xabsiga dhexe ee degmada Baydhabo ayaa waxaa ku jira maxaabiis aad u tirabada oo gaaray 260 qofood oo intooda badan loosoo qabqabtay tuhunno la xiriira inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, waxayna ka cabanayaan dhibaatooyin soo food saaray oo daryeel la'aan u badan.

Maxaabiistan loo diiday cuntadii ay u keeni jireen ehaladooda sida uu noo sheegey mid kamid ah ehallada dadkooda ku xiran yihiin xabsiga weyn ee magaalada Baydhabo.

Taliyaha xabsiga ayaa u sheegay idaacadaha Baydhabo ka howlgalaya inay maxaabiistan ku jira xabsiga Baydhabo aysan helin garsoor cadaalad ah, isagoo xusay in qaarkood uu xukumay guddoomiyihii hore ee gobolka Bay, Cabdifataax Geeseey, wuxuuna qaarkood ku xukumay xabsiyo u dhexeeya lix sano illaa 10-sano, qaarka kalena waxaa xukumay Muungaab oo ahaa guddoomiyihii maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Maxaabiistan waxay cunnada uga soomeen waa garsoor la’aan haysata,” ayuu taliyaha xabsiga Baydhabo u sheegay idaacadda Warsan oo ka mid ah kuwa ka howlgala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu eed dusha ka saaray mas’uuliyiinta maxkamada, maamulka iyo malaaqyada gobalka, isagoo sheegay inay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dhibaatooyinka haysta maxaabiista ku jira xabsiga Baydhabo.

“Muddo saddex maalmood ah maaxabiistu cunno ma cunin oo way diideen in ay cunnada cunaan iyo sidoo kalen inaan lasoo geli karin qolka ay ku jiraan ee ay maxbuuska ku yihiin,” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, taliyaha xabsiga Baydhabo ayaa sheegay in maxaabiista qaar ay yihiin kuwo halkaas la isaga soo xiray oo aanay jirin cid dambiyada lagu haysto sheegtay, wax garsoor ahna aan lasoo marsiin.

Hiiraan Online, Baydhabo